Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaaliland oo Isaga Baxday Guud Ahaan Difaacyadii iyo Saldhigyadii aaga Tukaraq iyo...

Soomaaliland oo Isaga Baxday Guud Ahaan Difaacyadii iyo Saldhigyadii aaga Tukaraq iyo SSC oo la Wareegtay

0

Ciidanka Somaliland ee kusugnaa Tukaraq oo maalmihii u dambeeyey si aayar-aayar loo qaadayay ayaa kooxihii u dambeeyey hadda bilaabeen in ay Kolonyeysteen, iyagoo dhinaca dhulka Dhoodiga uga dagaya Laamiga isku xira GoojaCade iyo Tukaraq, doonayana in ay laamiga dheer ka qabsadaan Agagaarka Adhi-Cadeeye.

Goobjooge kusugan agagaarka Gambadhe oo aan lahadlay ayaa ii xaqiijiyey in ay baneeyeen dhufeyso laqoday maalmihii lasoo dhaafay, isagoo sheegay in ciidan kasoo jeeda deegaanka ay xalay dageen goob ku dhaw Gambadha oo ah taliska laga maamulo Tukaraq.

Haddii, Somaliland si buuxda uga baxdo Tukaraq waxay ka dhigan tahay, in ay lumisay masaafadii ugu dheereyd ee ay kajoogtay Sool, aroornimadii hore ayay sidaas oo kale gacanteeda kabaxeen aagag dagaal oo ay 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay ka dagaalameysay kuna yaala daafaha Laascaanood.

Ad
Previous articleWaa doorashadii ugu xamaasadda badneyd Nigeria, waana mid ay Afrika aad isha ugu heyso
Next articleWaa sidee maanta xaaladda Laascaanood ka dib dagaalkii qaraaraa ee shalay ka dhacay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here