Home Wararka maanta Qarax xoogan oo ka dhacay safaarada masar ee ku leedahay dalka liibiya…

Qarax xoogan oo ka dhacay safaarada masar ee ku leedahay dalka liibiya…

0

Wararka laga helayo caasimada Tripoli ee Libya ayaa sheegaya in laba baabuur ay ku qarxeen meel ku dhow safaaradda Masar ay ku leedahay Tripoli.

Waxa sidoo kale goobta ka dhow safaaradda Imaaraadaka Carabta.

Labada safaaradood ayaa waxay xirnayeen muddo bilooyin ah.

Lama oga khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxaasi.

Kooxaha islaamiga ah ee gacanta ku haya magaalada ayaa horey ugu eedeeyey Masar in ay weeraro cirka ah ku qaadday xooggaga islaamiyiinta ee Libya, Eedeyntaas oo ay beenisay Masar.

Masar ayaa dhinaceeda waxay ku eedeysay canaasir ka mid ah kuwa Libya in ay taageerayaan kooxaha islamiyiinta ee kacdoonka ka wada Sinai.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here