Home Wararka Caalamka Midowga Yurub oo Adkeenaya Qaxootiga ugu Imaanaya Giriiga iyo Sebia

Midowga Yurub oo Adkeenaya Qaxootiga ugu Imaanaya Giriiga iyo Sebia

0

Wadamada Yurub ayaa doonaya inay Adkeeyaan QulQulka Qaxootiga uga imaanaya Dalalka Giriiga iyo Serbia kuwaasi oo marka danbe gaara Hungry iyo Croatia oo ka tirsan Midowga Yurub.

sanadkan ilaa bishii Ogosto ee la soo dhaafay, Hay’adda Ilaalada Xuduudaha Yurub “Frontex” waxay diiwaangelisay isku dayo dhan 188,000 oo isku day ah inay ka gudbaan Midowga Yurub.

Tirada ayaa ka dhigan in ilaa 140 Boqolkiiba ay kordheen Qaxootiga uga imaanaya Dhanka Giriiga waxana Wadamada Yurub ay doonayaan Qorshe lagu adkeenayo.

Qorshaha Cusub waxaa kamid ah in la adkeeyo Xaduudaha  Croatia iyo Hungary ay la wadaagaan Dalka Serbia oo ah Xaduud dheer.

Si loo dhimo isku-dayga tahriibayaasha ee ka baxaya Giriiga, guddiga Yurub ayaa bayaan uu soo saaray maalin ka hor shalay oo Isniin ahayd 26-kii Sebtember ku sheegay inay soo saareen hindise xoojinaya awoodda Frontex ee dalalka deriska la ah Midowga Yurub.

sidaas darteedna ay ka caawiyaan “mas’uuliyiinta Macedonia si ay u maareeyaan socdaalka aan joogtada ahayn, la dagaallanka socdaalka aan caadiga ahayn iyo la dagaallanka tahriibka.” tahriibinta iyo kordhinta amniga Midowga Yurub”, taas oo qayb ka ah qorshaheeda lagu xoojinayo xakamaynta xuduudaha dibadda

Ad
Previous articleWadamada Midowga Yurub oo isku raacay xirmo cusub oo cunaqabateyn ah oo ka dhan ah Ruushka
Next articleCali Jayte oo Dowladda ugu baaqay in tallaabo adag ka qaado labo taliye Ciidan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here