Home Wararka Maanta Madaxweynihii ee Hirshabeele:Dagaalkii Ceel Qooxle, yaa cidanka ku amray iney dib u...

Madaxweynihii ee Hirshabeele:Dagaalkii Ceel Qooxle, yaa cidanka ku amray iney dib u baxaan? Maxeyse aheyd ujeeddada ka dambeysay? 

0

Dagaalkii Ceel Qooxle, yaa cidanka ku amray iney dib u baxaan? Maxeyse aheyd ujeeddada ka dambeysay?

Ceel Qooxle waxaa ka dhacay 29kii September dagaalkii ugu kululaa ee ay muddo sanooyin ah wajaheen kooxda arxanlaaweyaasha ah. Dhanka Macawiisley iyo cidanka dowladda waxaa uga dhintay rag qiimo ugu fadhiyay Reer Hiiraan oo uu ugu weynaa Nabadoonkii Guud ee Beesha Cali Madaxweyne, nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo rag ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo macawiisley. Waxaa xusid mudan Nabadoon Cilmi Hagar wuxuu noqonayaa nabadoonkii saddexaad ee guud ee beesha Cali Madaxweyne ee ku dhinta gacabta argagixisada. Waxaa ka horreeyay Nabadoon Guud Axmad Cabdi Caalin iyo Nabadoon Guud Axmad Cabdulle Jimcaale. Allah u naxariisto dhammaantood. Khawaarijta waxaa kaga dhimatay dagaalka sida ay #Villa_Hiiraan sheegtay tiro kor u dhaafeysa 80 arxanlaawe.

Mar uu dagaalka marayo heer ay qaar ka mid ah khawaarijta baqdeen qaarka kalena ay ku jiraan dib u gurasho ayaa waxaa ciidamada soo gaartay akhbaar ah in dhanka cirka laga soo weerarayo khawaarijta, ayagana laga rabo iney dib uga baxaan aagga ay ku jiraan, dibna u noqdaan masaafo jirta hal saac oo socod ah.

Ciidankii iyo saraakiishii wexey markiiba u hoggaansameen awaamiirtii soo gaartay, sidii la faray ayeyna sameeyeen, balse diyaarad soo gashay dagaalka ma jirin, weliba khawaarijtii hore ayey u soo dhaqaaqeen wexeyna yimaadeen halkii ay ay hore u joogeen mujaahidiinta.

Mar ay ka soo wareegatay qiyaastii laba saacadood ayey mujaahidiinta dib u soo gaareen halkii ay hore u joogeen, waxaana halkaa ku qabsaday dagaal gacmaha la isla galay oo xataa toorrey ayaa la isu adeegsaday, waxaana Allah mahaddii ah iney mujaahidiintii ku guuleysteen dagaalkii, khawaarijtiina ay baqo dabada jeediyeen.

Markii la xaqiijiyay iney khawaarijtii fogaatay gabbalkana uu weli ifayo ayaa loo dhaqaaqay in la raadiyo meydadka raggii shahiiday, hase ahaatee waxaa lawaayay wixii meyd ahaa ee labada dhinac kaga dhintay dagaalka. Khawaarijtii ayaa qaadatay dhammaan meydadkii.

Intaa kadib waxaa la ogaaday inuu dagaalka ku dhintay nin magaciisa lagu soo koobay Qoorgaab oo ka tirsanaa khawaarijta oo ay dowladda Mareykanka madaxiisa dul dhigtay lacag Saddex Malyan oo Doollar ah.

Haddaba su’aalaha u baahan in jawaab cad loo helo ayaa ah

1) xagguu ka yimid warka ah diyaarad drone ah ayaa la soo kiciyay ee mujaahidiinta dib ha uga baxaan aagga?

2) maadaama eysan diyaarado soo gelin dagaalka sow ma cadda inuu warka been abuur ahaa?

3) sow ma cadda in ujeedka ka dambeysay akhbaarta beenta ah ay aheyd iney Khawaarijta qaadato meydka Qoorgaab?

4) ma la yaqaan shakhsigii mujaahidiinta u soo gudbiyay akhbaarta diyaaradda? Xagguuse ka keenay warka? Ma been abuur asaga ku kooban baa?

5) waa kee qofka la shaqeynaayay khawaarijta ee warbixinta beenta ah u soo gudbiyay mujaahidiinta si ay uga baxaan aaggii ay difaaca kaga jireen?

Kolley waxaa aad macquul u ah dilka Qoorgaab inuu jiro, sababta looga dalbay macawiisley iney aagga ka baxaana ay tahay in meydkiisa la qariyo. Waxaase u baahan in si dhab ah loo baaro shakhsigii ka dambeyay been abuurka, haddii kale waxaa wiiqmi karta kalsoonidii wada shaqeynta ee ciidamada kala dhaxeysay qolada qaabilsan weerarka cirka.

Ad
Previous articleXildhibaan Jacfra iyo saraakiil kale oo la filayaayo in ay soo garaan magaalada Dhuusamareeb
Next articleAjaaniib ka mid noqotay dadkii ay Al-Shabaab ku laayeen ceelbiyoodkii gobolka GEDO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here