Home Wararka Maanta Muuqaal-duubihii Al Jazeera oo lagu dilay Gaza Xili Dhawaan Xasaaskisa Iyo Caruurtiisa...

Muuqaal-duubihii Al Jazeera oo lagu dilay Gaza Xili Dhawaan Xasaaskisa Iyo Caruurtiisa Duqayn Lagu Dilay

0

Duug ayaa loo dhigay muuqaal-duubihii Al Jazeera oo ku geeriyooday duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka fulisay Gaza.

Samer Abudaqa ayaa ku dhaawacmay duqeynta oo Jimcihii ka dhacday iskuul ku yaalla Khan Younis, waxaana la dhaawacmay nin ay isla shaqeynayeen oo lagu magacaabo Wael Al-Dahdouh.

Al Jazeera ayaa sheegtay in Abudaqa uu dhiigbax u dhintay maaddaama duqeymaha xooggan ay ka hor istaagtay shaqaalaha caafimaadka inay soo gaaraan oo ay gurmad u fidiyaan.

Warbaahintan oo fadhigeedu yahay dalka Qadar ayaa sheegtay in kiiskan ay u gudbisay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC.

Waxay Al Jazeera sheegtay in Abudaqa uu ahaa weriyeheedii 13aad ee geeriyooda isagoo shaqo ku jira tan iyo sanadkii 1996.

Dahdouh, oo dhowr qof oo qoyskiisa ka tirsanaa ku waayay duqeymo hore oo ay Israa’iil geysatay, ayaa ka badbaaday weerarkan.

Ad
Previous articleNin Soomaali ah oo mid kale ku dilay xerada qaxootiga ee Ifo
Next articleCiidamada Xooga Soomaaliya oo Maantay 16 sana Kadib lagu aaminaayo Amaanka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here