Home Wararka Maanta Qoomiyadda Amxaarada ee dalka Itoobiya oo ka hor yimid damaca qalafsan ee...

Qoomiyadda Amxaarada ee dalka Itoobiya oo ka hor yimid damaca qalafsan ee Abii Axmed ku Doonaayo Badda Soomaaliya

0

Qoomiyadda Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa ka hor yimid damaca qalafsan ee Abii Axmed ku doonayo qeyb ka mid ah Baddeena.

Qaar ka mid ah shacabka Amxaarada oo ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Rai’sulwasaaraha Itoobiya Abii Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi ayaa adkeeyay in is-afgarad ku sheegaasi uu ahaa mid qar iska tuurnimo ah oo aan laga fiirsan.

Waxaa ay sheegeen shacabka Amxaarada Itoobiya in shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taaganyihiin iney difaacdaan midnimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Bulshada Amxaaradu Waxey dowladdooda u sheegeen in ay lama taabtaan tahay ixtiraamka Darisnimo oo saldhig u ah Nabadgelyada iyo Horumarka labada dal.

Ugu dembayntii bulshada Amxaarada ayaa Rai’sulwasaaraha Itoobiya u soo jeediyey inuu ka fogaado wax waliba oo dhawaaci kara darisnimada sida inuu faragalin qaawan ku sameeyo dal madax bannaan.

Ad
Previous articleXiisada u Dhaxaysa Ciidamada Dowlada iyo Macawislay oo Ka Taagan Gobalka Mudug iyo Dagaalo sababay Dhimasha iyo Dhaawac oo Dhexmaray
Next articleQaar Ka Mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo Si Adag uga Horyimid Qorsha Beri ee Baarlamaanka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here