Thursday, April 25, 2019
Home Blog

Madaxweyne Farmaajo oo Careysan Dalkaan Ma Samatabixin Karaan ?

0

Intiina sida dhow ula socota hab dhaqanka ugub ah ee ku cusub saaxada siyaasadda dalka durba waa ay haleeli karaan su’aashani jawaabteeda, waxaase rabaa in kuwa jawaabtaas MAYA aan nala qabin inaan sharraxaad ka siiyo sababta aan ugu yeeray Mudane Maxamed Farmaajo hoggaamiye careysan.

Maalinkii axadda ah ee 21-04-2019 ka furitaanka shirkii culimada ee Xamar madaxweyne Farmaajo khubad dheer oo socotay ku dhowaad 15 daqiiqo ayuu madasha ka jeediyay taasoo uu kaga hadlay culeysyada dowladdiisa heysta xilligani iyo arrimaha siyaasadda. ee Madaxweyne Farmaajo Gacantiisa iyo Afkiisa ku sameeyey mudadii uu xilka hayo.

Fallanqeynteeydani waxaa ku eegayaa khudbaddaasi madaxweynaha, dabcan intiina dhagaysatay ama daawatay hadalkii madaxweynaha gebigiisba wuxuu ahaa mid iska hor imaanaya.

Tusaale fudud waxaa weeye akhristayaal in madaxweynaha uu eedeeyay mucaaradka kuna tilmaamay kuwa wax duminaya, isweydiintu ma xumee, Alshabaabka dagaallama isagu waa mucaarad ceynkee ah haddii baarlamaankii labadiisa aqal ay noqdeen kuwa wax dumiya?!

Tan kale madaxweynaha wuxuu soo hadal qaaday culeeys maaliyadeed oo heysta xilligani dowladda uu hoggaamiyo, sida aad ka warqabtaan labada sano oo dowladdani ay talada dalka heyso waxaa jira dhaqaale badan oo malaayiin dollar ah kuwaasoo caalamka uu ku yaboohay, maxaa madaxweynaha uu u caddeyn waayay halka ay ku baxeen kharashaadkaasi.

Tusaale ahaan 50-kii Malyan ee Sacuudigu ugu deeqay Soomaaliya iyo malaayiinta kale oo deeq bixiyeyaasha ay ku taageereen dib u dhiska dalka.

Halkaa waxaa iiga muuqanaya inuu jiro musuq baahsan oo u baahan in baaritaan caalamiya ah ay ku sameeyaan hay’adaha qaabilsan dhaqaalaha  ee dunida.

Sida aragtideeyda siyaasadeed ay sheegeyso, ugu yaraan waxay ahayd in madaxweynuhu shacabka uu u sharraxo halka ay xukuumaddiisa ku bixisay dhaqaalahaasi kaddibna qeylodhaanta dhaqaale yarida uu shaaciyo.

Dalkii waxaa ka taagan khilaafyo siyaasadeed oo ragaadiyay hiigsiga dowladnimo ee Soomaaliya, labada sano ee madaxweyne Farmaajo xukunka uu hayo in khilaafku uu circa isku sii shareero maahee ma jirin wax la xalliyay iyo tallaabo xagga isu soo dhowaanta ah horay looga qaaday.

Waxaa meesha ka maran sida aan arkayo xasilooni siyaasadeed madaxweynahana diyaar uma ahan gaaristeeda.

Buuqa Siyaasadeed ee gudaha: dhawr Qodob oo muhiima!

1- Dowladda iyo dowlad goboleedyada oo wali heshiinin

2- Labada gole ee baarlamaanka oo aan wada shaqeynin

3- Arrimaha dib u eegista dastuurka oo khilaaf uu hareeyay

4- Doorashooyinkii rajada shacabka ahaa oo naxuusay

5- Ammaankii caasimadda oo faraha ka baxay

6- Ciidankii dowladda oo xuquuq la’aan ka cabanaya

Buuqa siyaasadeed ee dibadda:

Khilaafka Siyaasada iyo xiriirka caalamka!

1- Khilaafka Khaliijka oo dowladdu ay ku maareeysay rabitaankeeda

2- Xiisadda Kenya oo weli alloosan

3- Iskaashiga gobolka oo danaha Itoobiya suntan oo ay dowladda dhex booday

4- Cadkeennii Jabuuti walaalahayo oo la dhabar wareemay

Labo Sanno oo ay jirtay Dowladda uu Hoggaamiyo Farmaajo waxay si cajiib ah oo aan horey loogu arag Siyaasadda Soomaaliya, ay Madaxyada ugu garaacatay Darbiyo Siyaasadeed oo Dalka iyo Dibediisa ah, waxaana ay go,aan ka yaabiyay Caalamka ka qaadatay Khilaafka khaliijka, Iyadoona ku dhawaaqday inay dhex-dhexaad ka tahay, waxaase ay garab muuqda u muujisay Dowladda Qatar, taas oo ay ku cadowsatay Boqortooyadda Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta.

Xaalka siyaasadeed ee waqtigan!

Madaxweyne Farmaajo wuxuu meesha ka saaray Shirka amniga Qaranka oo ay ku tashan jireen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada, isagoona Siyaasadeeyay Deeqihii Caalamka ee Soomaaliya, Sidoo kale ka dhigay Qaar ay ku shubtaan Akoonada isaga iyoXulufadiisa iyo kuwo lagula dagaalamo nidaamka Federaalka.

Burburka Shirka Amniga Qaranka waxaa uu sababay in lagu guuldareysto Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna xoogeysato Al-Shabaab,

Sidoo kalena ay is muujisay Kooxda Daacish oo haatan isku balaadhinaysa Koonfurta Soomaaliya, kaddib markii looga adkaaday DegaanadaPuntland ayna saameeyeen Howlgalada la dagaalanka argagixisada ee ay Wadaan Ciidanka Puntland ee isugu jira Daraawiish-ta, PMPF iyo PSF, kuwaas oo si joogta ah uga socda Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxaa uu la yimid Oraahyo cusub oo uu ugu gafayo Madaxda Talada la wadaagtay sida (Siyaasiyiin Xanaaqsan), Isagoona meesha ka saaray Dadaaladii Hormarinta Dowladnimo ee ay sameeyeen Madaxdii ka horeysay, sababayna inuu si doorasho ah ku hoggaamiyo Dalka, wuxuuna shaki geliayay Qabsoomida Doorasho Sanadka 2021-da, maadama Dowladiisu aysan cadeyn Illaa hada inay ku fashilantay in dalka ay gaarsiiso Doorasho Dilmuquraadiya ama Qof iyo Cod.

Waxaa taas ka sii daran oo walaaca iminka la qabo uu yahay arrimaha doorashooyinka baarlamaaniga ah iyo tan madaxweynaha oo ballanku uu ahaa 2021-ka in doorasho hal cod iyo hal qof ah ay dhacdo balse ay muuqato in wadadeedii aanan la haynin.

Waxa ahayd in madaxda dalka ay caddeeyso qaabka ay noqonayso doorashada 2021-ka, haddii aynaan jirin dibindaabyooyin u qarsoon.

Gunaanad:

Waxaan fallanqeynteyda ku soo koobayaa, madaxweynaha sharafta leh waa inuu shacabka ka fahamsiiyaa hababka uu u isticmaalayo gaarista iyo hirgalinta nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya, waxaa muhiim ah in madaxweynuhu uu wax ka beddalo qaababka uu u wajahayo arrimaha dastuurka, amniga, federaalka iyo doorashooyinkaba si dalka uu u gaaro xasilooni siyaasadeed iyo xasilooni amni.

Dawlada Madaxweyne Farmaajo maxaa laga bur buriyey oo ay  hirgalisay waa in wax la iska waydiiyaa ? Xukumada Raysal wasaare khayre arimaha dastuurka amniga. dhismaha ciidanka sameynta lacag.iyo IWM waxba ka qaban hadii hogaanka Madaxweyne Farmaajo Khaladkiisa loo Tilmaamo wuxuu dalkii iyo dalkii ku Tilmaamay waa shacab xanaaqsan iyo siyaasiyiinta Xanaaqsan.

Hada waxaa sax ah in  Madaxweyne Farmaajo uu Noqday hogaamiye ka Carooday Xaqiiqda dalka ka jirat ee khilaafka siyaasadeed ah caro darteed uu u arko Horumar  la gaaray labada sano ee xilka uu hayo.

F.G Qoraalkan mudug24 Masuul kama ahan , waxa ay gaar u tahay qoraha ku saxiixan, waxa ayna Shabakada mar walbo diyaar u tahay gudbinta aragtida siyaasadeed ee kala duwan.

W/Q Danjire Maxamed Maxamuud (Caalim),  aqoonyahan wax ka Qora Dawlad wanaaga iyo khilaaf yada siyaasada ee somalia

Deggan: Magaalada Helsink ee dalka Filand

Xidhiidh: Caalim68@hotmail.com

Hanad Abdi Faarah oo ku guuleestay Doorashada Gudoomiyaha Saxafiyiinta Gobolka Mudug.

0

Waxaa soo dhamaatay doorasho maanta ka socotay magaalada Gaalkacyo taasi oo lagu dooranayay gudoomiyaha safaxiyiinta Gobolka Mudug waxana ku guuleestay wariye Hanad Abdi Faarah.

Dhoor musharax oo xilka isku soo sharaxay ayaa ku haray wareegtay ugu horeeya waxana isku soo haray Wariye Cali nuur Ceyn, Wariye Hanad Abdi Faarah iyo wariye kale oo magaciisa lagu sheegay Fantastic.

Wareega labaad waxaa isku soo haray Wariye Hanad iyo Cali nuur Ceyn iyadoo tirinta codadka wareega labaad kadib lagu dhawaaqay in Hanad uu ku guuleestay Gudoomiyaha Saxafiyiinta Gobolka mudug.

Gudoomiyaha Gudiga Gob Prof Abdulkadir Shirwac oo lagu soo dhaweeyay Dalka Mareykanka + Sawiro

0

Gudoomiyaha Gudiga Hormarinta iyo Baraarujinta bulshada Gob Prof Shirwac iyo masuuliyiin kale ayaa lagu soo dhaweeyay Dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis.

Prof Shirwac ayaa si heer sare loogu soo dhaweeyay halkaasi waxana soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay bulshada magaalada Minneapolis qeebaheeda kala duwan.

Shirwac ayaa filayaa in uu halkaasi joogo maalmaha nagu soo wajahan isagoo sameendoono kulamo kala duwan si bulshada Galmudug uga sharaxo halka ay mareyso dhismaha Wadada Gaalkacyo iyo Hobyo oo dhamaad ku dhow.

Mudug24 USA

10 ku laabo mudug24 xiriir

Dhageyso Nabadoon Ku Sugan Degmada Balan-bale ee Galmudug oo sheegay in Xiisad dagaal ka jirto Deegaanka

0

Dhageyso Nabadoon Ku Sugan Degmada Balan-bale ee Galmudug ayaa sheegay in Xiisad dagaal ka jirto Deegaanka sidoo kale nabadoonka ayaa ka hadlay cida gacanta ku heyso magaalada iyo xiisada taagan xiligan cida wada.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka

Doorasho ka bilaabatay Magaalada Gaalkacyo ee xaruunta Gobolka Mudug

0

Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug saaka waxaa ka bilaabatay doorasho lagu doornayo gudoomiyaha Saxafiyiinta Gobolka Mudug.

Doorashada waxaa ka qeyb galaya bulshada Magaalada Gaalkacyo Masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Sidoo kale Wariyaal rug cadaa ah oo saxaafada ku soo jiray mudo dheer.

Dhiibashada Codadka oo hada socota waxaa codadkooda dhiibanaya wariyaasha gobolka mudug iyadoo 5 wariye ka badan ay isku soo sharaxeen xilkaasi.

Tirinta Codadka kadib ayaa la filayaa in gudiga doorashada ay ku dhawaaqaan natiijada codadka iyo cida guuleesatay.

Lasoco Wixii ku soo kordha

Mudug24 Gaalkacyo

Canadian Women Released From Jail In Somaliland

0

Two Canadian women jailed in Somalia and facing 40 lashes were released Tuesday, according to sources.

Maymona Abdi, 28, and Karima Watts, 24, were arrested in January after police entered a house in Hargeisa, their lawyer Mubarik Mohamoud Abdi said.

The women, who are originally from Ottawa, were accused of having consumed alcohol, which is illegal in Somaliland, a self-declared republic still internationally considered to be part of Somalia.

New York-based human rights activist Jason Jeremias said Abdi was in Somaliland to help women facing gender-based violence.

Their lawyer said they signed confessions under duress, hoping to avoid jail, but they were sentenced to 2½ months in prison and 40 lashes.

“[The prosecution] did not prove before the court that they used alcohol,” their lawyer said.

In a statement, Maymona Abdi’s mother Fahima Hassan wrote, “Maymona and Karima were born and grew up in Ottawa, Canada, as best friends. When Karima’s mother died, she became our daughter.”

Karima Watts was jailed in Somaliland on Jan. 19. She and her friend Abdi were accused of consuming alcohol and were facing 40 lashes. (Supplied)
Jeremias, who has been advocating on their behalf, said both women struggled to cope in jail.

“The conditions were awful,” he said. ” They didn’t understand why they were being detained — and detained for so long.”

He said Abdi contracted pneumonia while in jail and was denied medical access. The women were also sometimes denied food, showers and sanitary pads he added.

“They suffered physically and mentally, and they didn’t understand why this was happening to them.”

Ayan Mahamoud, a representative of Somaliland to the U.K., and the Commonwealth said being sentenced to lashings is rare in Somaliland.

“I thought, what’s going on?” she said. “I think the last capital crime in Somaliland was in ’92, ’93.”

Mahamoud said initially it was challenging for her to confirm the arrest and to get details on the status of the women. “I asked around … no one was able to tell me anything about this story,” she said.

After reaching out to journalists and human rights activists in Somaliland, she connected with their lawyer who informed her about their release.

Canada cautions travelers to avoid Somalia and describes the country as “extremely volatile” with the threat of domestic terrorism “high.”

Global Affairs Canada said it is aware two Canadian citizens have been released and is providing consular assistance.

Pirates Attack Two Fishing Boats Off Somalia

0

On Sunday, two fishing vessels were attacked by pirates off the coast of Somalia. The attempted boardings were both thwarted, but security officials said that they represent a reminder that antipiracy measures are still required when transiting the high-risk area off Somalia.

According to EUNAVFOR, the fishing vessels Adria and Txori Argi were both approached by suspected pirates in the Indian Ocean on Sunday at a position about 280 nm off the coast of somalia.

Both fishing vessels had private maritime security teams on board, and by exercising unspecified antipiracy best practices, the two attempted attacks were defeated.

EUNAVFOR Operation Atalanta confirmed the attacks and said that it is likely that they were facilitated by a hijacked “mothership,” which was reportedly seized by armed men on Friday off the central Somali coast.

EUNAVFOR searched the area with aerial assets and dispatches the warship ESPS Navarra from Mombasa. On Tuesday, the Navarra successfully intercepted and boarded the dhow mothership.

Dhageyso Xildhibaan Cali Balcad ” Madaxweyne Farmaajo Waa uu diiday Celinta Basaboorka Mareykanka ee laga codsaday”

0

Dhageyso Xildhibaan Cali Balcad ” Madaxweyne Farmaajo Waa uu diiday Celinta Basaboorka Mareykanka ee laga codsaday” Xildhibaanka ayaa dhanka kale sheegay inta mar ee madaxweynaha uu diiday iyo Madaxda kale ee sidaasi oo kale diiday.

Halkan Hoose ka dhageyso Xildhibaan Cali Balcad

Gudiga Xuduudaha oo Sheegay in Kenya gudaha u soo gashay dhul Somaliya ay leedahay

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulan ku yeesheen  Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Ajandeha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu ahaa  warbixin ay  ka dhageysteen  guddiga madaxa banaan ee xuduudaha, iyadoona   Kulanka ay hortageen  Xubnaha Gudigaas, waxayna warbixin siiyeen Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga madaxbanaan ee Xuduudaha Soomaaliya Xuseen Nuur Xaashi ayaa maanta warbixin siiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii ay Guddiga hortagayn Guddigaasi.

Xuseen Nuur Xaashi ayaa Golaha Shacabka warbixin ka siiyay waxyaabihii u qabsoomay 4tii bil ee la soo dhaafay iyo Caqabadaha ku horgudban islamarkaana caqabad ku noqon kara qorshaha afarta bil ee soo aadan.

Sidoo kale waxay ka hadleen Arimaha Xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya iyagoo cadeeyay in Kenya ay dhul ballaaran gudaha Soomaaliya u soo gashay arintaasna loo baahanyahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Guddiga Xuduudaha waxay sheegayn in Kenya ay qaateen qeyb ka mid ah dhulka soomaaliya oo dhirirkiisu dhan yahay 476 KM, waxaa ayna shaaca ka qaadeen in taasi ay dhibaato ku tahay shacabja Soomaaliyeed, iyagoona tilmaamay in madaxda Dowladda ay la wadaageen arintaasi.

Ciidamo aad u badan oo ka tirsan Kenya ayaa haatan waxaa ay ku sugan yihiin xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Mareykanka oo Sharuud ku xirtay Milatariga Sudan ee Awooda heesta

0

Xoghaye kuxigeenka Mareykanka ee Arrimaha Afrika ayaa ka dalbatay Millateriga dalka Suudaan ina si deg deg ah xukunka ugu wareejiyaan Millateriga dadka rayidka ah.

Xoghaye kuxigeenka Mareykanka ee Arrimaha Afrika Makila James ayaa Suudan ku xirtay shuruud adag in laga saaro liiska dadka maalgeliya waxa loogu yeeri argagaxisada ka s oo looga dhigay in adka rayidka ah xukunka lagu wareejiyey.

Sguruudaaan ayaa timid kadib markii Makila James ay kulan la qaadatay madaxa kumeel gaarka ah ee golaha sare ee militariga Suudaan, Janaraal Cabddel Fataax Cabdulraxmaan Burhaan, kaas oo lagu dalbanayey in Mareykanka uu liiska dowladaha taageera Argagaxisada ka saaro dowladda Suudaan.

Waxa ay sheegtay Afrika Makila James  in taliyeyaasha militariga inay daacad yihiin isla markaasna ay si wanaagsan uga falceliyeen cosdiga shacabka reer Suudaan.

Shalay, Janaraal Burhaan waxaa uu xaqiijiyay in ciidammada aysan awood xadh-dhaaf u adeegsan doonin dibadbaxyaasha.