Home Wararka Maanta Xildhibaan Daahir Jeesow oo hanjabaad culus kasoo saaray kiisa Cabdalla Muumin

Xildhibaan Daahir Jeesow oo hanjabaad culus kasoo saaray kiisa Cabdalla Muumin

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo si adag uga hadlay kiiska Weriye  Cabdalla Muumin ayaa sheegay in wiilkooda ay ku dhegan yihiin rag isku ehel ah, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Xildhibaan Jeesow ayaa carabka ku adkeeyey in Weriye Cabdalla uu u afduuban yahay afar wiil oo walaalo ah, isla markaana uu yaqaano cida dishay hadii ay dhibaato soo gaarto.

“Cabdalla hadii dhereg uu u dhinto cida dishay waan aqaan, afar wiil oo walaalo ah ayuu u afduuban yahay ninkaas, ragas waxay aaminsan yihiin inay yihiin milkiilayaasha dowladda,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow.

Xildhibaanka ayaa sheegay in guddoomiyihii horay u xukumay Weriye Cabdalla Muumin oo xafiiskiisa ugu tegay, isla markaana uu weydiiyey cidda sii deysay Cabdalla oo markii hore lagu xukumay xabsi.

“Waxaan weydiiyey guddoomiyaha, wiilkaan markaa xukuntay xabsi ayuu u soo diyaar garoobay ee yaa soo daayey? Wuxuu igu yiri ma ogi cid deysay, yaa hadda soo xiray ayaan dhahay? Ma ogi ayuu iigu jawaabay, yaa soo dacweeyey ayaan dhahay? Ma ogi ayuu igu yiri,” ayuu yiri Jeesow.

Intaas kadib wuxuu sheegay in maxkamadda racfaanka uu tegay, isla markaana loo sheegay in cid racfaan ka qaadatay kiiskaas aysan u imaan maxkamadda.

“Waxaan iri yuu Cabdalla u xiran yahay? Waxaa la iigu jawaabay ma ogi, madaxdii garsoorka oo dhan waxay sheegi waayeen cidda uu Cabdalla u xiran yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa carabka ku adkeeyey in la gara waayey cidda uu u xiran yahay Weriye Cabdalla Muumin, markii la weydiiyey hey’adaha garsoorka “Anagu waa naqaan, laakiin nin ku dhiirada waa la waayey afar xildhibaan anagoo ah ayaan hey’adaha garsoorka ku soo wareegnay,” ayuu yiri Jeesow.

Xildhibaanka oo hadalkaan ka jeediyey kulan uu la yeeshay xubno ka mid ah beeshiisa Gaaljecel ayaa reerka kula dardaarmay in dowladaan aysan waxaba ka sugin ee dhulkooda ay xoreystaan, kadibna ay beerahooda tabcadaan.

Wuxuu ku faanay in dhul qani ah oo beerashada ku fiican ay cidiisu degto, balse ragga dowladnimada ku dulminaya aysan dhul laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Ad
Previous articleAskar Soomaaliyeed oo Ku Geeriyooday Diyaarad lagu Tababaraayay ee Garoonka Bali Doogle(Sawiro)
Next articleDr. Caa’isha Abuukar oo Dhawaan lagu Dilay Dalka Masar ehelkeeda oo Si adag uga jawaabay warar laga faafiyey kiiska dilkeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here