Home Wararka Maanta Madaxweynaha SSC Khaatumo oo Soo Gaaray Muqdisho iyo ujeedkiisa oo la Shaaciyay

Madaxweynaha SSC Khaatumo oo Soo Gaaray Muqdisho iyo ujeedkiisa oo la Shaaciyay

0

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib casuumaad uu ka helay madaxda dowladda federaalka.

Masuuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacab badan ayaa galabta garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey wafdigaan ka socda Khaatumo.

Soo dhaweyn kadib, waxaa warbaahinta garoonka kula hadlay hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye, isagoo shaaciyey inay Muqdisho ku yimaadeen casuumaad ay ka heleen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan Muqdisho ku nimid casuumaad aan ka helnay xukuumadda Soomaaliya, magaalada waa hooyada Soomaaliya, SSC waxay ka mid tahay umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ay caasimadda u tahay,” ayuu yiri hoggaamiyaha Khaatumo.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay tahay xudunta umadda Soomaaliyeed, isla markaana ay masuuliyiinta Khaatumo imaan lahaayeen xitaa hadii aysan ku casuumin dowladda Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku sii daray in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo is jecel, laakiin ay kala jarayaan siyaasiyiin ka dhex arka dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Muqdisho waa gurigeena, galabta markii gurigeyga la igu soo dhaweeyey waxaan dareemay qiimo gaar ah, hadii aan naloo yeerin waxaa noo qorsheysneed inaan imaano Muqdisho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray hoggaamiyaha Khaatumo.

Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin.
Ad
Previous articleNin oday ah oo lagu daldalay degmada Deyniile (Sawirro)
Next articleWiil Dhalinyara ah oo iska soo Tuuray Dabaq ku Yaal Muqdisho Si uu Naftiisa u Badbaasho oo Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here