Home Wararka Somaliya Puntland Deni oo Cayriyay mid ka mid Wasiiradii gacantiisa Midig ahaa iyo Juxa...

Deni oo Cayriyay mid ka mid Wasiiradii gacantiisa Midig ahaa iyo Juxa oo Wasiir noqday markale

0

Wareegto uu caawa soo saaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka looga qaaday wasiiro katirsanaa xukuumadiisa, ay ku jiraan xubno aad ugu dhawaa .

Wasiiradda xilka laga qaaday waxaa kamid ah wasiirkii maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaalow oo kamid ahaa xubnaha aadka ugu dhawaa Madaxweyne Deni, sidoo kale kamid ahaa xisbigiisa iyo ragii ololaha u waday intii ay socotay doorashada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa wareegtada uu soo saaray sidoo kale ugu magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa oo horey usoo noqday wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya xilligii Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Halkan ka Akhriso Wareegatada Madaxweyne Deni caawa soo saaray

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 59 ee 23da Sibteembar 2022 kuna magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

B Bedel

1. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

T) Magacaabid

2. Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

3. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

4. Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

5. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

6. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

 

 

Ad
Previous articleWasiir hore oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee puntland
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo kusugan jiida Hore ee Dagaalka iyo Weerar Saakay la Filaayo inlagu Qaado Ceelbuur(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here