Home Wararka Somaliya Puntland Wararkii Ugu Danbeeyey Taliye Axmed Cali Shire oo la Dilay iyo ninkii...

Wararkii Ugu Danbeeyey Taliye Axmed Cali Shire oo la Dilay iyo ninkii Dilay oo gacanta lagu dhigay

0

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay laba xiddigle Axmed Cali Shire oo ahaa taliyihii saldhiga galbeed ee caasimadda Garoowe.

Nin hubeesan oo la sheegay in uu isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan khamriga ayaa la sheegay in uu toogtay taliyahan katirsanaa ciidanka booliiska maamulka Puntland.

Ciidamo katirsan booliiska Puntland oo ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan ninkan dilka geestay, waxaana gacankudhiiglaha lagu xiray saldhig kuyaalla Garawe.

Saraakiil katirsan ciidamada booliiska maamulka Puntland ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan dilka loo geestay taliyaha iyo waxa sababay, waxa ayna sheegeen in sharciga la horgeyn doono ninka dilka geestay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Aadan Yabaal(Sawiro)
Next articleSoomaaliland oo War kasoo saartay Dagaal Culus oo Maantay Ka dhacay Laasacanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here