Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo Dhagac dhigay Wado Muhiim ah o Muqdisho laga Dhisaayo(Sawiro)

Gudoomiye Madaale oo Dhagac dhigay Wado Muhiim ah o Muqdisho laga Dhisaayo(Sawiro)

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha wadada laamiga ee isku xirta isgoosyada KPP iyo Albaraka.

Dhagax-dhiga wadadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir, waxaana dhismaha wadadaan iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir, bulshada degmada Hodan iyo Rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa uu ahmiyad gaar ah siinayo dhismaha wadooyinka caasimadda, si Kaabayaasha iyo bilicda caasimadda loo horumariyo.

Wadadan la dhisayo ayaa sannadihii lasoo dhaafay aheyd mid si weyn u bur bursan oo dhib ku qabeen dadka iyo deegaanka , waxaana dhismaha wadadan kusoo aadeysa xilli dib u dhis lagu wado wadooyin kale oo caasimadda kuyaalla.

 

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Kenya oo Duqayn ku laysay Shacab ku Dhaqnaa Gobalka Gedo
Next articleciidamada difaaca ee Dalka kenya oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here