Home Wararka Maanta War Deg Deg ah:Ninkii Fududeeyey Dilkii Taliye Xasan tuure kana Tirsanaa Ciidanka...

War Deg Deg ah:Ninkii Fududeeyey Dilkii Taliye Xasan tuure kana Tirsanaa Ciidanka Danab oo xukun lagu Riday

0

Xukunka Sarkaal Danab ahaa oo loo haystay Falal Argagixisanimo.

Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshaha kooxda Alshabaab iyo Jaajuusida Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Mucaawiye ayaa hoggaamiyay dhowr horimood oo Ciidanka gaarka ah ee Danab kamid ah, isaggoo kaga faa’iideystay in uu xogaha ciidanka iyo howlgalada uu u dusiyo Maleeshiyada, uuna wakiil kaga ahaa Cabdullaahi Cabdi Cumar (Cabdullaahi Hiiraan) iyo Muxudiin Maxamuud Cabdi (Muxudiin Turki).

Waxaa lagu eedeeyey in uu si gaar ah u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad ee uu ku Shahiiday Abaanduullihii Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuurre), sidoo kale waxa uu gudbiyay xogaha difaacyadda ciidanka iyo in aysan hawada ku jirin Diyaaradaha saxiibada Danab (Drones), dagaaladii Budbud, Cali Yabaal, Alkowsar iyo Daaru-nimca.

Waxa uu dhabar jabin ku sameeyay ciidanka, gaar ahaan dagaalkii Budbud ka dib markii uu difaaca ka saaray horintii uu xukumayey.

Sidoo kale waxa uu sahmiyay Saldhigyadda Military ee Beli-doogle iyo Xero Nac-Nac, isaggoo la wadaagay Cabdullahi Hiiraan xogta ciidanka ku jira iyo koolba waardiyaasha xerooyinkaasi.

Mucaawiye Waxa uu adeegsanayey ereyo afgarasho ah oo ay isla yaqaaneen Cabdullahi Hiiraan, ayna ka mid yihiin, Adeer (Saaxibada Danab Mareykanka), Ilmaha Adeer (Speacial Danab), Abaayo (Beli-doogle), Hooyo (Muqdisho), Meeshii hore (Howlgalkii hore) iyo ereyo kale.

Waxa loo adeegsaday soo iibinta Drone, Ookiyaalaha aragga habeenkii (Night Vision) iyo agabyo kale oo ciidan oo aan u suura gelin.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii bishaan, iyaggoo maxkamadda horkeenay cadeymo ku saabsan kiiskaan oo ay ka mid yihiin marag-fur iyo saraakiishii ka sarreysay Mucaawiye oo marqaati ahaan maxkamaddu ay u dhageystay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukuntay, Ex- Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge Toban sano oo xabsi ciidan ah, Waxaana laga xayuubiyey darajada labo xidigle iyo xubinnimada ciidanka xoogga dalka.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute

Ad
Previous articleFarmaajo iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo Garowe Gaaray
Next articleShiikh Shariif oo Si kulul uga Hadlay Wax ka badalka Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here