Home Wararka Somaliya Taliyihii Waaberi oo Sharaxaya sida Loo dilay Gudoomiyihii Hodan

Taliyihii Waaberi oo Sharaxaya sida Loo dilay Gudoomiyihii Hodan

0

Taliyihii dhawaan xilka Laga qaaday ee Maamulayay Saldhiga Degmada waaberi Maxamed Cabduqaadir Mooshin ayaa Maanta Maxkamada Ciidamada qalabka sida ka Hor shaaciyay Xogo ku saabsan Dilka Gudoomiye Dhagajuun.

Mooshin ayaa ka mid ahaa xubno Lagu Eedeeyay Toogasho Muqdisho Loogu Gaystay Gudoomiye Dhagajuun.

Maxkamada Ciidamada ayuu Maanta ka Hor shaaciyay Xoga cajiib ah oo ku saabsan dilka Gudoomiyaha, waxaana ku sugnaa Ehelka Gudoomiyaha La dilay iyo Xubnaha Maxkamadu Eedaysay.

Mooshin ayaa iska Fogeeyay Eeda  dilka Gudoomiyaha waxuuna sheegay in Markii La dilaayay dhagajuun uu Xabadaha Maqlay xili uu ku sugnaa Meel udhaw Isgooska Jidmariixaan ee Muqdisho,ka dibna uu xabadaha ku soobaxay.

Maxamed Mooshin waxuu ka mid ahaa dad Lagu Tuhmayo Dilka Allaha unaxariistee Gudoomiye dhagajuun

 

Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo amaro cusub ku soo rogay Masaajida
Next articleGalmudug oo Ciidan geysay Deegaano ka tirsan Mudug oo Shabaab ku suganyihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here