Home Wararka Maanta Dhageyso: Khudbadii Taliye Xajiir oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Booliska

Dhageyso: Khudbadii Taliye Xajiir oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Booliska

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa maanta Xarunta Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye, shir  kula qaatay saraakhiisa sarsare ee Ciidanka Booliska.

Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska, Taliyeyaasha Hoggaamada, Fadhiyada Madaxa Bannaan, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir iyo Qaybaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa looga hadlayey dardar gelinta sugidda amniga guud ee Dalka, looguna mahad celinayey Ciidanka Booliska ee sugayey amniga doorashooyinka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sidii ay ugu guulaysteen sugidda amniga doorashooyinka oo muddo ka socday dalka, isaga oo faray in ay si weyn isugu diyaariyaan dhammaystirka inta ka dhiman sugidda amniga doorashooyinka.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa adkaynta amniga ee maalmaha Ciidda ee inagu soo aaddan, si shacabka Soomaaliyeed ay farxad iyo nabad galyo ugu ciidaan.

Ad
Previous articleXeelad cajiibka ah ee xubnaha Garbahaarey lagu geliyey xarunta Villa Hargaysa(Xog)
Next articleShacabka Sweden oo doorbidaya in lagu biiro Ururka Nato

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here