Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Cabdiqaadir Cabdi Cismaan  (Jawaari )

Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Cabdiqaadir Cabdi Cismaan  (Jawaari )

0

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in kooxo hubeesan oon heebtooda la garan xalay degmadaasi ku dileen nin dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Dabley hubeesan ayaana la sheegay in xaafada Dhagax-tuur ku dileen  Cabdiqaadir Cabdi Cismaan  (Jawaari ), ragii dilka geestay ayaana goobta si deg deg ah uga baxsaday sida ay ku warameen goobjoogayaal.

Ciidamada booliiska iyo nabad sugida ee ka howlgala degmada Afgooye ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, lamana soo sheegin cid ay ciidamada ammaanka usoo qabteen falkan dilka ah ee ka dhacay Afgooye.

Degmada Afgooye ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal loo geesto dad shacab ah iyo dad u shaqeeya maamulka, waxaana inta badan baxsada oon la arag ragga dilalkaasi qorsheesan fuliya.

Ad
Previous articleSwedan oo Jaraysa Ceyrtii Faraha Badnayd ee Soomaalida Soo Galootiga ah Siin Jirtay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo shaaciyay ‘marxalada uu marayo’ heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here