Home Wararka Somaliya Qaahira: Madaxda Masar iyo Eritrea oo ku baaqay ilaalinta Midnimada Dowlada Somalia:-...

Qaahira: Madaxda Masar iyo Eritrea oo ku baaqay ilaalinta Midnimada Dowlada Somalia:- Sawiro

0

Madaxweynaha Eritrea Isaiah Afewerki ayaa maant safar ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana si diiran u soo dhoweeyey dhigiisa dalka Masar Abdel Fattah Al-Sisi

Booqashadaan ka horay muddo bil ah ayaa safar uu wasiirka arimaha dibadda ee Masar ku tagay Eritrea waxaa uu u sheegay in madaxtooyada Masar ay casuumaad rasmi ah u fidisay Afewerki.

Waxaa la filayaa in uu halkaas ku qaato saddex maalmood oo booqasho rasmi ah.

Tan iyo markii Itoobiya la saxiixatay heshiis Somaliland ayaa waxaa xiisadi ka dhalatay gobolka. Masar ayaa horay u sheegtay in milatari ahaan ay dhinac istaagi doonto Soomaaliya oo ka carootay heshiiskaas. Sidoo kale Eritrea oo siyaasad ahaan aysan isku fiicneyn Itoobiya ayaa ka hor timid heshiiska.

“Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wafdigiisa ayaa waxaa maanta si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxtooyada Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi. Labada wafdi ayaa sidoo kale yeeshay kulan hordhac ah oo ku saabsan labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka & kuwa caalamiga ah ee labada dal” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Eritreya Yemane Gabrameskel.

Afhayeenka Madaxtooyada Masar Axmed Fahmi ayaa sheegay in waxyaabihii ay ka wadahadleen labada Madaxweyne ay ka mid ahaayeen sii wadida horumarinta xiriirka labada dal. in la gaaro isbedel ku yimid heerka iskaashiga ka dhexeeya dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha, ganacsiga iyo ammaanka, iyadoo wada xaajoodku diiradda lagu saaray dardargelinta ganacsiga labada dal Kor u qaadida maal-gashiga iyada oo la taageerayo joogitaanka shirkadaha Masaarida ee suuqa Eritrea.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in sidoo kale lagaga wada hadlay xaaladda gobolka oo ay hormuud ka tahay isbedellada ka socda badda cas, iyadoo labada madaxweyne ay ka wadahadleen horumarka baaxadda leh ee nabad-gelyo ee gobolka, isla markaana ay ku dheeraadeen muhiimadda ay leedahay in aan looga sii darin oo xaaladda la xakameeyo, isla markaana loo baahan yahay in la xakameeyo..

“Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay isbedelada ka socda Geeska Afrika, iyadoo la isla gartay in la ixtiraamo Qaranimada Soomaaliya, laguna taageeray in la diido wax kasta oo wax u dhimaya Qaranimadan, xaaladda Suudaan ayaa la taabtay iyo muhiimadda ay leedahay. sii wadida shaqada wadajirka ah ee udhaxeysa Masar iyo Ereteriya ayaa lagu nuux-nuux saday, iyadoo lagu jiro qaab dhismeedka koorsada Wadamada Dariska ah, si xal dhab ah looga gaaro xasaradaha, taasoo horseedaysa xabad joojin, soo afjarida dhibaatada bini’aadantinimo ee dadka walaalaha ah ee Suudaan, iyo la kulanka hamiga iyo rajada laga qabo in la gaaro amni, xasilooni iyo horumar” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Masaarida.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Ad
Previous articleMuqdisho: Taliska ciidanka Booliska Somalia oo loo Magacaabay Afayeen Cusub
Next articleDowlada oo war kasoo saartay War ay baahisay Hay’adda Duulista & Madaarada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here