Home Wararka Somaliya Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda oo ka jawaabay Hadalka Sanbaloolshe ” Dhageyso ”

Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda oo ka jawaabay Hadalka Sanbaloolshe ” Dhageyso ”

0

Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka jawaabay eedeymo uu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe u jeediyay qaabka ay dowladda u dejisay qorshaha wejiga labaad ee dagaalka.

Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Soomaaliya Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa waxa uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay isku koobtay qorshaha dagaalka wejiga labaad, islamarkaana aysan ka qeyb-galin dadka deegaanka oo iyagu door muhiim ah ka qaatay wajigii koowaad ee dagaalka.

“Dagaalkan waxaa u weyna ee guushiisa keenay waa in Shacabka iyo Shabaab la iska horkeenay, dagaalka marka dowladda hogaamineyso dib u dhac iyo jab ayaa ka imaada, marka dadka hogaaminayo horumar iyo guulo ayaa ka imaada,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Wasiirka Gaashaandhiga oo VOA ay arrintaas wax ka weydiisay ayaa waxa uu sheegay in dowladda aysan ka leexan nidaamkii ay markii hore ku billowday dagaalka ee ka tala-gelinta dadka deegaanka iyo qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleHakad weyn oo ku yimid isu socodkii basaska ee koonfurta Stockholm
Next articleKooxaha Diimaha Kenya oo booqday kaniisad iyo masaajid la gubay xalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here