Home Wararka Somaliya Galmudug Garabka Farmaajo oo Wax aysan Filaneynin kala kulmay Doorashooyinka Galmudug ee Gaalkacyo

Garabka Farmaajo oo Wax aysan Filaneynin kala kulmay Doorashooyinka Galmudug ee Gaalkacyo

0

Waxaa hadda lasoo gabagabeeyey tirinta codadka ergadii dooraneysay xildhibaanka qaadanaya kursiga HOP#095 oo caawa ay doorashadiisu ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) ayaa ku guuleystay kursigaan oo ahaa mid loo galay tartan furan oo adag, waxuuna ahaa midka ugu tartanka adag seddaxdii kursi ee maanta lagu doortay magaalada Gaalkacyo.

Garabka Farmaajo ayaa kala kulmay Doorashooyinka Galmudug Arimo aysan filaneynin oo ah inaysan helin Codadka markii hore halkaasi ka qorsheysteen iyo Dadka ay rabeen inay ku soo baxaan.

Seddax musharax oo kala ah:

1 – Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud

2 – Maxamuud Nuur Iimaan

3 – Maxamed Saciid Faarax

Ayaa ku tartamay kursigaan oo wareeg labaad la isla aaday, waxayna wareegii koowaad kala heleen Maxamed Saciid 44-cod, Cabdiraxmaan Cagaweyne 35-cod, halka Maxamuud Iimaan uu helay 20-cod, waxaana wareega labaad u gudbay Maxamed iyo Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa wareegii labaad ku guuleystay codad dhan 54, halka Maxamed Saciid oo laga guuleystay uu helay 47-cod.

5-tii sano ee lasoo dhaafay kursigaan waxaa ku fadhiyey Cabdikariin Dhalac oo aad u taageersanaa Farmaajo, kaas oo isaga haray tartankaan, kadib markii uu ogaaday in guul uusan ka soo hoy-doonin hadii tartan la galo.

Waxaa aad loo nacay dhamaan dadkii garab taagnaa ee daacadda u ahaa  Farmaajo intii uu xukunka joogay, kuwaas oo intooda badan ku haray tartanka doorashada socota, taas oo niyad jab ku abuurtay nidaamka Farmaajo.

Ad
Previous articleDoorasho Tartan adag loo Galay oo caawa ka Dhacday Magaalada Gaalkacyo
Next articleFahad oo Layimid Qorshe uu Bashiir Goobe ku dhaafinaayo Kursiga Xildhibaanimo ee Gaalkacyo yaala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here