Home Wararka Maanta Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed oo Dilnarxan dara ah...

Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed oo Dilnarxan dara ah ugaystay Yusuf Cabdi Axmed oo Xukun Adag lagu Riday

0

Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah.

Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen $17,300 oo dollarka maraykanka ah.

Cali Cumar oo marxuumka aabihiis mar qabi jiray hooyadiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf.

Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka khawaarij uu si gaar ah u u gaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishii February ee sanadkaan in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Sadaxdii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

 

Ad
Previous articleMadaxweynaha Khaatuma State oo Talaabo ay ka Xumaatay Puntland Qaaday
Next articleMaxay dowladda Soomaaliya ka tiri xiisada Falastiin iyo Israel?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here