Home Wararka Maanta Maxay tahay fadeexada iyo Xeebta ka dhex jirta Gudoomiyaha Baarlamaanka ?

Maxay tahay fadeexada iyo Xeebta ka dhex jirta Gudoomiyaha Baarlamaanka ?

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheikh Aadan Madoobe iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ku heshiiyay in shaqalaha barlamaanka shaqada laga ceeriyo si loogu badalo shaqaale cusub oo ka soo jeeda beelaha gudoonka iyo kuxigeenka 1-aad.

Sacdiya Samatar oo ah gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ayaa si gaar ah ugu dhagan in meesha laga saaro agaasimaha maamulka iyo maaliyadda Barlamaanka Sihaam Said Yusuf maadamada ay ka hortimid damaca Sacdiyo oo ahaa in loo shaqaaleysiiyo 24 qofood oo ka soo jeeda beesha Sacdiyo.

Agaasime Sihaam ayaa la wadaagtay gudoomiye Sacdiyo in aanan laheen dhaqaale lagu shaqaaleysiiyo dad cusub sidoo kalena aysan suurtagal aheyn in shaqaale dowladeed loo ceeriyo in shaqaale kale lagu badasho.

Dhanka kale gudoomiye Adan Madoobe ayaa dhankiisa soo jeediyay in agaasimaha maamulka iyo maaliyada loo dhiibo wiil uu adeer u yahay sidoo kalana shaqada laga ceeriyo 81 qof oo ka tirsan shaqaalaha rasmiga ah ee barlamaanka oo hanaankooda shaqaaleysiintooda la soo marsiiyay guddiga shaqaalaha rayidka.

Xoghaya Golaha shacabka Abdikarim Buux iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka C/laahi Cumar Abshirow ayaa si adag uga soo horjeestay in la ceeriyo qaar kamid ah shaqaalaha barlamaanka sidoo kalena agaasime waaxeedyada barlamaankana aan hab qabiil loo dulmin.

Is qabqabsiga gudoonka barlamaanka ayaa gaaray madaxweyne Hassan Sheikh waxaana uu caawa la qaatay kulan gaar ah oo arintaas lagu xalinaayo balse waxaa si cad uga hortimid Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad oo sheegtay in ay qasab tahay in la siiyo qof ay iyada wadato Agaasimaha Maaliyadda Baarlamaanka meeshana laga saaro Sihaam Said Yusuf oo ah agaasime Maaliyadda Barlamaanka.

Sidoo kale gudoomiye Aadan Madoobe ayaa madaxweynaha u sheegay in beeshiisa ay u keenen 62 qof oo ay rabaan in loo shaqaaleysiiyo sidaas darteedna ay muhiim tahay in la ceeriyo qaar ka mid ah shaqaalaha barlamaanka si kuwaan loogu badalo.

 

Ad
Previous articleSaraakiil itoobiyaan ah oo Maanta ka degay Beledweyne ka dib weerarkii dhawaan……
Next articleHoggaamiyihii Al-Qaacidda Ayman Al-Zawaahiri oo la dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here