Home Wararka Maanta 89 qof oo ku dhintay dabka ka kacay kaymaha Maui ee gobolka...

89 qof oo ku dhintay dabka ka kacay kaymaha Maui ee gobolka Hawaii

0

Tirada dhimashada dabka ka kacay kaymaha Maui ayaa gaartay 89 qof Sabtidii, taasoo ka dhigaysa tii ugu dhimashada badnayd muddo ka badan qarni, waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda maadaama qolyaha badbaada oo wata eeyaha wax uriya ay sii wadaan inay raadiyaan maydad kale.

Burbur baaxad leh ayaa gaaray dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaari badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday.

Qiimaha dib loogu dhisi karo magaalada Lahaina oo ah magaalo dabku baabi’iyay ayaa lagu qiyaasay $5.5 bilyan, waxa burburay kaabayaal dhaqaale oo gaaraya 2,200, iyadoo dhul beereed gaaraya 850 hiktar uu gubtay.

Gudoomiyaha Gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka Josh Green oo shir jaraa’id qabtay Sabtidii ayaa ka digay in tirada dhimashadu sii kordhi doonto, iyadoo maydad hor leh la helayo.

Eeyaha loo tababaray urinta maydadka ayaa kaliya baaris ka sameeyay boqolkiiba sedex dhulka baaba’ay sida uu sheegay madaxa booliska ee magaalada Maui John Pelletier.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Duqaymihii Alshabaab loogu Gaystay deegaannada Baladul-Amiin iyo Baladul-Kariim
Next articleWasiir reer Finland ah oo Soomaalida ku tilmaamay in ay ‘geed xun yihiin’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here