Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Ka Hadlay Sababtii looga adkaaday Ciidamadii Dowlada ee...

Xasan Shiikh oo Ka Hadlay Sababtii looga adkaaday Ciidamadii Dowlada ee Cowswayne ku sugnaa

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay kulan ka dhacay barta Twitter Space ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka adag ee ay dowladdiisa kula jirto kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa qiray in ciidamada Xoogga dalka lagu soo jabiyayay dagaalkii xooganaa ee dhowaan ka dhacay deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan intaba.

“Meeshaas Cowswayne meel aan ahayn oo ciidanka dowladda lagusoo jebiyay ma jirto. Hadda xooggaa waa laga daba tagay, xaqiiqadanii waa soo taabteen dhallinyarada,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in taasi ay keentay in ciidamada dib loogu soo celiyo xeryahooda, si u nastaan, niyaddana loogu dhiso.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale madasha kusoo bandhigay guulaha ay illaa iyo hadda dowladdiisa ka gaartay dagaalka ka socda inta badan gobollada dalka.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay is garabsanaya ay dhul baaxad leh ka qabsadeen kooxda, tan iyo markii uu billowday gulufka, wuxuuna sheegay in guullo waa weyn oo muhiim ahj ay gaareen ciidamada huwanta.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in haatan uu gabagabo yahay wajiga koowaad ee howlgalka, isla-markaana ay kasoo dhammaan doono HirShabelle iyo Galmudug, kadibna qorshaha uu yahay maamullada kale, gaar ahaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Somalia.

“Dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta ‘Al-Shabaab’ waa mid gabagabo ah oo guul jooga, ciidamadu marka la eego halka ay dhaqaaqeen waxa ay sii socdaan in ka badan 300 oo Kiilo-mitir, Dowladda & Shacabka oo iskaashanaya waa ka go’an in aan soo afjarno nimankaas caadeystay in ay dhiigga daadiyaan ee dalka dhibaatada ku ah, waxyar ayaa dhiman ee aan dhammeystirno” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Ugu dambeyn madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay baaqiisii ku aadan in shacab & dowlad loo midoobo dagaalka socda oo hadda maraya meel wanaagsan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan madaxweynaha Soomaaliya uu joogo jiida hore ee dagaalka, gaar ahaan Dhuusamareeb oo uu tegay inuu ka hogaamiyo dagaalka.

Ad
Previous articleAlshabaab Qorshaynaayay inay Weeraraan Xarardheere oo la Wareeray
Next articleSaraakiil Sar sare oo Gaaray Dhuusamareeb Xili Madaxweyne Xasan shiikh Dhuusamareeb kasoo Guuraayo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here