Home Wararka Maanta P.M Rooble oo Xilka ku Wareejiyay Raysulwasaare Xamse Cabdi Bare(Sawiro)

P.M Rooble oo Xilka ku Wareejiyay Raysulwasaare Xamse Cabdi Bare(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay munaasabad ka qabsoontay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii 25-kii bishan ay codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, waxayna xil wareejintan noqoneysa middii u horeysay ee shan sano kadib ay labo Ra’iisul Wasaare xilka iskugu wareejiyaan.

Rooble ayaa markii uu xilka la wareegayay labo sano ka hor Ra’iisul Wasaarihii ka horeeyay Xasan Cali Kheyre xilka kalama wareegin, taasi oo sabab u aheyd siyaasaddii awood isku maquuninta, ihaaneysiga iyo kala adkaanshaha ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha xilka la wareegay ayaa waxa hortaalla shaqo badan, ayada oo dhawaan uu ballan-qaadyo dhowr ah, kuwaas oo kala ah dhinacyada amniga, garsoorka iyo caddaaladda, abaaraha, dib-u-heshiisiinta, wadahadallada Somaliland, dimoqraadiyadaynta, doorashooyinka, dhaqaalaha, maamul-wanaagga, isla xisaabtanka, dhameystirka dastuurka, adeegyada bulshada iyo siyaasadda arrimaha dibedda oo ku dhisanaa doonta danta dalka.

Sidoo kale waxa uu balan-qaaday in ahmiyada 1-aad uu siinayo arrimaha nabad-galyada dalka, isagoo sheegay inuu dhisi doono Soomaaliya gaarta isku filaansho dhanka amniga ah.

Si riyadaasi ugu hir-gasho wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamza kadib helida kalsoonida baarlamaanka in xukuumadiisu ay xoogga saari doonto dhismaha ciidan qaran oo tayo leh.

Xamza ayaa waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha 15-kii bishaan, isaga oo kusoo xushay in uu yahay aqoonyahan socod-siin kara siyaasadda dowladiisa cusub ee ku dhisan Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.

Ad
Previous articleMuxuu yahay weerarka uu Ruushka qaaday ee dhaleecenyta weyn la kulmay?
Next articleCiidamada Suudaan oo la wareegay Goobta Muhiim ah Wadanka itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here