Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Wakiilada...

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay kasocday(Sawiro)

0
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay u qaabilsan FOA, WFP, UN-OCHA, UNSOS iyo UNSOM ee Jooga Beledweyne,

Madaxweynaha ayaa Wakiilada warbixin ka siiyay baaxadda xaaladda fatahaada ee ka jirta Magaalada Beledweyne iyo saameynta daran ee ay bulshada ku yeesheen xili dadkii deganaa Magaalada ay inta badan ka barakeen guryahoodi qaar kale oo wali ku go’doonsan gudaha Magaaladana laga soo daad guraynayo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay wakiilada Hay’adaha Qaramada Midoobe in gargaar deg deg ah oo isugu jira cunno, biyo, hooy iyo dawooyin lasoo gaaraan dadka guryahooda kasoo barakacay ee daadsan bariga iyo galbeedka Magaalada Beledweyne.

Magaalada Baledweyn xaafado katirsan ayaa waxa aku fatahay wabiga Shabelle, waxaana ku barakacay inta badan dadkii deganaa magaaladaasi, kuwaa oo xaalado adag ku heestaan duleedka magaalada.

Ad
Previous articleGolaha Wasiirrada oo meel-mariyey Qaraar iyo Hindise Sharciyeedyo muhiim uah (Sawirro)
Next articleSarkaal sare iyo ciidamo kasoo goostay Somaliland oo ku biiray SSC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here