Home Wararka Maanta Dhageyso Taliska Ciidanka Xooga oo dignin u diray Askarta dhibaateeya Shacabka

Dhageyso Taliska Ciidanka Xooga oo dignin u diray Askarta dhibaateeya Shacabka

0

Taliyaha Ciidamada Dhulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi, ayaa ciidamada uga digay in ay dhibaato u geystaan dadka shacabka ah, wuxuuna sheegay in Askarigii qof shacab ah xabad ku rida in maxkamad la  geeyndoono.

“ Wxaaan rabaa halkan in aan uga faa’ideysto dhammaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, ama ha noqdo mid ilaalo ah oo madax la socdo, qofkii qof shacab ah xabad ku rida wallaahi tiirka Maxkamadda ayaa geyneynaa,” ayuu yiri Generaal Biixi.

Sidoo kale, Generaal Biixi ayaa sheegay in habeenadan magaalada Muqdisho uu ka dhacayay falal amnidaro oo aad u fool xun, kuwaas oo qaarkood lagu dilay dhalinyaro waxbartay oo ubaxii dalka ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono askarii shacab dhibaateeya.

Taliyaha Ciidamada dhulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi, ayaa hadalkan ka jeediyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo uu ku soo dhoweeynayay cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska Qaranka ee Gor Gor.

Ad
Previous articleHowlgal ay Fuliyeen Ciidamada Galmudug oo Lagu Burburiyay Gooba Laga shiday Dhuxul (Sawiro)
Next articleMidowga Musharaxiinta oo Shir Xasaasi ah uga soconaya Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here