Home Wararka Maanta Mid kamid ah Daafacyadii Galmudug oo Geeroyooday Xili Ay Cadaado Koobka Gayn...

Mid kamid ah Daafacyadii Galmudug oo Geeroyooday Xili Ay Cadaado Koobka Gayn Rabeen

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka hadlay geerida ku timid mid kamid ah laacibiintii xulka Galmudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Muxyadiin Cabdi Muriidi oo kamid ahaa laacibiintii u qaaday koobkii ciyaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Baanadir.

“Ilaahey ha u naxariisto Muxyadiin Cabdi Muriidi oo ka mid ahaa halyeeyadii xulka Galmudug u qaaday koobkii ciyaaraha,” ayuu madaxweyne Qoor-Qoor ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaan ehelkiisa iyo asxaabtiisa la wadaageynaa xanuunka geerida. Ilaahey haka sabar siiyo.

Xulka maamulka Galmudug ayaa dhawaan markii ugu horreysay ku guuleystay koobka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Qoor-Qoor oo si weyn u garab taagna laacibiinta xulka Galmudug ayaa xanuunka geerida la wadaagay ehelka iyo asxaabtiisa, isagoo Alle uga baryay inuu ka sabar siiyo.

Galmudug oo si weyn ugu dabaal-degtay guushii koobka tartanka ciyaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayey maanta u tahay maalin murugo, maadaama uu ka baxay mid kamid ah laacibiintii xulka Galmudug u qaaday koobkii sanadkaan.

Ad
Previous articleRizwan Javed oo Da’yar Muslim ah oo badbaadiyay nolosha 29 qof iyo abaal-marin muhiim ah oo la siiyay!
Next articleGudoomiyihii Maxkamaddii xukuntay dilka Jeneraladii uu ka midka ahaa Salaad Gabayre oo geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here