Home Wararka ugu Muhiimsan Dhageyso: Cabdi Rashiid Janan oo qiranaya in Ciidan looga qabtay Dagaalka Balad-Xaawo

Dhageyso: Cabdi Rashiid Janan oo qiranaya in Ciidan looga qabtay Dagaalka Balad-Xaawo

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale ka hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee goblka Gedo iyo qorshaha kaga degsan degmadaas.

Wasiir Janan oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in sababo jiray aawgeed ay uga baxeen degmada Beled-Xaawo kadib markii ay Ciidamada dowladda kala wareegeen degmadaasi Beled-Xaawo.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dagaalka u adeegsatay hubkii dowladda turkiga ugu deeqday Soomaaliya ee loogu talo galay in lagula dagaalamo Al-Shabaab.

Cabdi Rashiid Janan oo wax laga weeydiiyay Ciidamadii ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay ku qabatay dagaalkii Beled-Xaawo ayaa qirtay in dagaalka looga qabtay 16 askari halka uu sheegay in 36 kale ay iyaga isdhiibeen.

Dowladda Soomaaliya & Maamulka Jubbaland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Beled-Xaawo 25-kii Bishii la soo dhaafay ee Janaayo, iyada oo midba midka kale uu guulo ka sheegtay dagaalka.

Ad
Previous articleGalmudug oo ka warbixisay Shirka dhawaan ka furmaya Dhuusamareeb
Next articleSawiro: Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo soo gaaray Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here