Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay kulanka golaha ammaanka ee xiisadda Soomaaliya Iyo Xasan Shiikh...

Wararkii ugu dambeeyay kulanka golaha ammaanka ee xiisadda Soomaaliya Iyo Xasan Shiikh iyo Abiya oo Kawada Qaybgalaaya

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay kulan deg-deg ah ka yeesheen xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeyso dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda.

Kulankan oo lagu soo qaadi doono xaaladda Geeska Afrika ayaa waxaa si gaar ah diiradda lagu saarayaa arrimaha soo kordhay, siiba khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa.

Soomaaliya ayaa horay u dalbatay kulankan, si ay QM usoo fara-geliso heshiiska maamulka Somaliland iyo Itoobiya oo xadgudub ku ah madax bannaanida dalkeenna.

Horay ururada caalamiga iyo waddamada xiriirka la leh Soomaaliya ayaa iyaguna si weyn uga soo horjeestay tallaabada Itoobiya iyo heshiiska ay la gashay Somaliland.

Kulanka la filayo in haatan golaha ammaanka ay ka yeeshaan xiisadda labada dal ayaa kusoo aadayo, ayada oo hadda Xasan iyo Abiy ay wada joogaan magaalada Rome oo ay maanta uga qeyb-galayaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Inkasta oo ajendaha shirkaan aysan ku jirin hadana Talyaanigu wuxuu qorsheynayaa in xal laga gaaro mushkiladaha Soomaalida iyo Itoobiyaanka ee maalmahaan gilgilay Geeska Afrika, sida ay Caasimada Online u sheegeen diblumaasiyiinta gacanta ku heysa qaban qaabada shirka.

Ma cadda in Xasan uu aqbali doono kulan gaar ah oo uu la qaato Abiy, hase yeeshe ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa si weyn u daneynaya inuu si gaar ah ula kulmo Xasan, si cadaadiska caalamiga ah uga yaraado, mana u badna inay u mari doonto.

Si kastaba, Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ka wada qeyb galaan tan iyo markii ay qaraxday xiisadda labada dal ee salka ku haysa heshiiskii Addis-Ababa ay ku gaareen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Ad
Previous articleCiyaarta berri ee Galmudug iyo HirShabeelle oo war cusub laga soo saaray
Next articleSomaliland oo gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here