Home Wararka Maanta Axmed Cabdiraxmaan oo Nairobi kusoo Dilay Maxamed Xasan oo Muqdisho lagu Qabtay

Axmed Cabdiraxmaan oo Nairobi kusoo Dilay Maxamed Xasan oo Muqdisho lagu Qabtay

0

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigeen oo la xiray eedeysane dil kas geystay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaasi kasoo baxday laamaha amniga dalkaasi.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajib ka saaran ilaalinta sharuucda dalka  ay soo xireen eedeysane baxsad ah, laguna magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi.

Taliska ayaa sheegay in eedeysane Axmed Cabdiraxmaan uu gudaha Kenya ku dilay Marxuum Maxamed Xasan, isla markaana uu kasoo baxsaday magaalada Nairobi.

Qoraalka Booliska dowladda Soomaaliya soo saaray ayaa intaas lagu sii daray in Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi la horgeyndoona Cadaalada. Ma jiro weli wax war ah oo baxay Booliska Kenya oo ay uga hadlayaan falkaasi ka dhacay dalkooda.

Ad
Previous articleMadaale oo Amar kusoo rogay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir
Next articleQarax dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka ugu muslimiinta badan caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here