Home Wararka Maanta Darawalkii Farmaajo ee khaaska ahaa Oo Alshabaab u Goostay

Darawalkii Farmaajo ee khaaska ahaa Oo Alshabaab u Goostay

0

Waxaa la xaqiijiyey in darawalkii gaarka ahaa ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u goostay kooxda Al-Shabaab, arrintaan oo tartiib u soo ifbaxday ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka yaabisay dadka Soomaaliyeed.

Sida ay xogtaan ku helnay, Sahal Maxamed Xirsi wuxuu ahaa darawalkii qaaska ahaa ee Farmaajo, kaas oo waday gaarigii garoonka Aadan Cadde geeyey Farmaajo safarkii ugu dambeeyey ee Garoowe uu ku tegay.

Sahal ayaa gaarigii Farmaajo la baxsaday markii uu ka soo laabtay garoonka, waxaana naloo xaqiijiyey inuu isku dhiibay kooxda Al-Shabaab.

Xogta aan fakashada ninkaas ka helnay waxay intaas ku dareysaa in gaariga uu ka iibsaday gudaha caasimadda Muqdisho, isla markaana uu horay u qaatay lacag kumanaan doollar ah oo gaarigii Brufta ahaa uu kala baxay.

Sahal ayaa la sheegay in maalmo ka hor uu ka degay magaalada Kismaayo ee Jubbaland, isla markaana uu kaga sii gudbay deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, si kooxdaas uu ugu dhex noolaado.

Ilaa hadda kooxda Farmaajo wax faahfaahin ah kama bixin halka uu ku dambeeyo darawalkii gaarka ahaa ee Farmaajo, balse dadka sida dhow ula socda arrintaan ayaa dib u xusuusanaya xaaladihii amni ee dalka ka jiray xiligii uu xukunka joogay Farmaajo.

Markii uu dhacay weerarkii Hotelka VIlla Rays oo ku yaalla afaafka hore ee madaxtooyada, waxaa la waayey oo Shabaab u goodtay darawalkii gaarka ah ee Maxamed Mursal guddoomiyihii golaha shacabka u joogay Farmaajo, taas oo muujisay heerka uu gaaray isku milanka hey’adaha dowladda iyo Al-Shabaab.

Ad
Previous articleQaar ka mid ah faa’iidooyinka iyo dhibaatooyinka teknoolajiyada 5G ee ay keeneen shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya
Next articleNinkii Dilay Wariye Bulxan oo Maxkamada ka Hor Sheegay Arin lama Filaan ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here