Home Wararka Maanta Dowladda Shiinaha oo Muqdisho ka soo dajisay Daawo ku saabsan COVID-19

Dowladda Shiinaha oo Muqdisho ka soo dajisay Daawo ku saabsan COVID-19

0

Dowladda China ayaa magaalada Muqdisho soo gaarsiisay 500,000 kuuro oo ah looguna talagalay tallaalka COVID-19, waxaana kala wareegtay wasaaradda caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in tallaalkaan sida ugu dhaqsiyaha badan loo u gaarsiindoono dowlad goboleedyada dalka , si loo xoojiyo ka hortagga COVID-19.

Wasiirka caafimaadka ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay tallaalka qaataan, iyadoo sheegtay in ay dowladdu welwel ka qabto inuu dalka soo gaara nuuca halista leh ee la yiraahdo Omicron, kaasoo ka dillaacay in ka badan illaa 40 waddan.

“Shacabka waxaan ku adkaynayaa qaadashada talaalka COVID-19 iyo in la badiyo talaabooyinka looga hortagi karo fafaitaanka fayrayska Caronaha,” ayay tiri wasiir Fowsiyo Abiikar.

Tallaalka uu Shiinuhu soo gaarsiiyay Soomaaliya ayaa wuxuu qeyb ka yahay wadar dhan 2 bilyan oo tallaal ah oo Shiinuhu gaarsiinayo dalalka adduunka.

Ad
Previous articleGuddiga Doorashada KGS oo diiday in la kansalo Kursigii Loo diiday Gudoomiye Jawaari
Next articleAlshabaab oo xalay Weeraray Godinlabe oo Galgaduud ka Tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here