Home Wararka Maanta Waa kuwee Magaalooyinka Soomaaliya ee ay ku nool yihiin dadka ugu badan...

Waa kuwee Magaalooyinka Soomaaliya ee ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee qaba HIV-AIDS

0

Sida ay daaha ka qaaday xog uu sii daayey xafiiska xakamaynta xanuunka HIV-AIDS ee Wasaarada caafimaadka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heerka cudurka ee Soomaaliya uu u muuqdo mid hoos u dhacaya.

Madaxa Mashruuca HIV_AIDS ee Wasaarada Caafimaadka Federalka Dr. Sacdiyo Cabdisamad Cabdilaahi oo BBCda la hadashay ayaa sheegtay in 6-dii bilood ee ugu horreysay sanadkan, guud ahaan Soomaaliya cudurka laga helay dad gaaray ilaa 438 ruux.

Tiradan ayaa ka dhigan, sida ay sheegtay mid muujinayso in dadaallada la sameeyey ay dhimeen kororka xanuunka, taasoo marka la eego xaddiga dalka ka dhigayso 0.1 boqolkiiba.

”Cilmi baarisyada lagu samaynayo baarisyada cudurka waxay na tusayaan in xaddiga xanuunka uu hoos u sii dhacayo dalka oo dhan” ayey tiri Dr Sacdiyo.

Dr sacdiyo waxay xustay in qiyaasta dadka la nool xanuunkan ee guud ahaan dalka ay gaarayaan 7,746 oo ruux, halka inta si rasmi ah ugu diiwaan gashan ee daawada qaata ay tahay 4,419 ruux ilaa dhamaadkii bishii june ee sanadkan.

Magaalooyinka ay ugu badan yihiin dadka xanuunka qaba Soomaaliya

Warbixintu waxay kaloo shaacisay sida ay magaalooyinka Soomaaliya ugu kala badan yihiin dadka xanuunka qaba taas oo lagu qiimeyey baaxada iyo tirada dadka ku nool magaalooyinkaaas

Dr.Sacdiyo Cabdisamad waxay BBC u sheegtay in magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa, Garoowe, Berbera iyo Bosaaso ay yihiin kuwa ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka la nool xanuunka HIV-AIDS.

‘’Sida la yaqaan adduunka xanuunku wuxuu ku badan yahay magaalooyinka, sidaa darteed waxaa soomaaliya ugu badan Muqdisho waayo waa magaalo caasimad ah, maagaalo xeebeed, dad tiro badan ku nool yihiin, ganacsi badan ka jiro’’ ayey intaas raacisay.

Bah-wadaagta Wasaarada Caafimaadka sida Guddiga ka hortaga AIDS-ka Qaranka, dallada ay ku midaysan yihiin dadka xanuunka la nool iyo Hay’adaha taageera ayaa wadajirkooda ka dhigay mid yareeyey xanuunka guud ahaan dalka soomaaliya

‘’Waxa iyana calaamad fiican ah inay waayadan danbe badanayaan dadka tagaya goobaha lagu baaro xanuunka oo dalbanaya inay is baaraan ka hor inta aysan is guursan, taas oo muujinaysa fahanka bulshada ka qabto xanuunka iyo sida ay u doonayaan inay isaga ilaaliyaan’’.

Ad
Previous articleGalmudug oo Maalmaha Soo Aadan Dagaal Culus Markale ka Bilaaban Doono
Next articleWar Deg Deg ah: Ajaanib Ka tirsanaa Alshabaab oo lagu Qabtay Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here