Home Wararka Maanta Xamaas oo weerartay dad meydad ka raadinayay goob ay ku dhinteen dad...

Xamaas oo weerartay dad meydad ka raadinayay goob ay ku dhinteen dad ka badan 260

0

Dad gargaar-fidiyaal ah ayaa la toogtay iyagoo meydad ka raadinaya goob weerar lagu qaaday xilli bandhig faneed uu ka socday.

Halka caawiyaasha meydadka ka raadinayeen goobta bandhigga muusiga ee Supernova, ayaa lagu dilay ugu yaraan 260 qof Sabtidii, waxaana la joojiyay baadigoobkii meydadka sababtoo ah “waxaa ka socday rasaas”

Yossi Landau, oo ah taliye ka tirsan kooxda iskaa wax u qabso ee Zaka, ayaa sheegay in kooxdiisu oo ka kooban 25 ay ilaa hadda ka soo saareen 162 mayd goobtii ay xafladdu ka dhacaysay, balse “wax intaas ka badan ma aysan heli karin”.

“Waxaan ku shaqeynaa dab, markaas waa inaan ka baxno meeshaas,” Landau ayaa u sheegay barnaamijka maanta ee BBC.

Kooxda mutadawiciinta ah oo ah 600 oo xubnood ayna tababareen ciidanku, waxay ka shaqeeyaan sidii ay dib ugu soo uruurin lahaayeen dhammaan xubanaha meydadka si qofka loo aaso.

Muuqaal la soo duubay Sabtidii ayaa muujinayay dadkii xafladda oo kala yaacaya markaas uu bilowday weerarka Xamaas ay ku qaadday Israel

Ad
Previous articleHoobiyayaal lagu Garaacay Muqdiaho iyo Guri uu daganaa Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka soomaaliya oo Hoobiye Ku Dhacay
Next articleDuqaymo Culus oo lagu Garaacay Alshabaabkii ku Sugnaa Shabeeloow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here