Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii Ugu Danbeeyey Ku Dhawaad 80 Alshabaab ah oo La Dilay

Wararkii Ugu Danbeeyey Ku Dhawaad 80 Alshabaab ah oo La Dilay

0

Dowladda federaalka ayaa soo saartay war-saxaafadeed lagu shaaciyey khasaare culus oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyey ugu yaraan seddax goobood oo howlgallo culus ay ka dhaceen.

Sida lagu shaaciyey warka dowladda in ka badan 80 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgallo laga fuliyay Goballada Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.

Hawlgalka koowaad ayaa ka dhacay aagga degmada Xarardheere, waxaana lagu dilay Shabaab-kii ugu badnaa, kadib dagaal saacado badan qaatay oo kooxda looga difaacayey gacan ku heynta degmada Xarardheere oo inay la wareegaan ay damceen.

“In ka badan 40 Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ka dhacay deegaanka bacaadka Faarax Aadan oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo Khawaarijta ay isku aruursanayeen iyaga oo doonayay in ay weeraraan magaalada Xarardheere,” ayaa lagu yiri warkaan.

Hawlgalka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay soo weerartay maalin ka hor, waxaana lagu gaarsiiyey khasaare culus.

“In ka badan 35 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km qiyaastii u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu qoraalka.

Faahfaahinta howlgalkii Daarunicma ayaa intaas ku sii dareysa “Hawlgalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan ayaa lagu bartilmaameedsadaymaleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee soo weeraray deegaanka Daaru-Nicma.”

Hawlgalka Seddaxaad ayaa ka dhacay gobolka Bakool, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab ay isku uruursanayeen, waxaana lagu gaarsiiyey khasaare culus.

“Lix ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay halka seddax kalana lagu dhaawacay hawlgal lagu bartimaameedsaday fariisin Khawaarijta ay ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Waajid ee gobalka Bakool,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Ugu dambeyntii bayaankaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in la ciribtiro Khawaarijta caadeysatay dhibaateynta shacabka ee ka waantoobi waaya falalka wuxuushnimada ah.”

Ad
Previous articleWararkii igu Danbeeyey Dad Badan Oo Qaab Naxdin leh Galabtay Muqdisho ugu Geeriyooday
Next articleFaahfaahin Cali-ciid Maxamuud oo lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here