Home Wararka Maanta Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibada oo ka Hadlay Magacaabista Fiqi

Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibada oo ka Hadlay Magacaabista Fiqi

0

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay magacaabista Axmed Macalin Fiqi oo uu ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.

Huruuse ayaa ugu horreyntii farriin hambalyo ah u diray wasiir Fiqi oo ay iskula jireen golaha wasiirada ee xukuumadda haatan jirta ee DanQaran.

“Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyaynayaa wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta loo magacaabay Mudane Wasiir Axmed Macallin Fiqi” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Intaasi kadib wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa saddex qodob kasoo saaray magacaabista wasiir Axmed Macalin Fiqi iyo in loo dhiibo wasaaradda arrimaha dibadda.

Qodobka koowaad wuxuu ku sheegay inuu kalsoonyahay uuna halkeda kasii wadi shaqada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Waxaan ku kalsoonahay in uu halkoodii ka sii wadi doono kana mira dhalin doono dadaaladii horey u socdey iyo dhammaan hawlaha Wasaaradda ee u qareemidda siyaasadda arrimaha dibedda dalkeenna ee ku dhisan is ixtiraamka, wax wada qabsiga iyo diblomaasiyadda isu dheelitiran” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri.

Abshir Huruuse ayaa arrinta labaad ku sheegay inuu u rajeynayo guul, isaga oo ballan-qaaday inuu ula shaqeyn doono, si hagar la’aa ah.

“Waxaan wasiirka cusub u rajeynayaa guul, waxaanna ula shaqayn doonaa si hagar la’aan ah. Insha Allah” ayuu kusii daray qoraalkiisa

Ugu dambeyn wuxuu qqabta saddexaad ee qoraalkiisa ugu duceeyay wasiir Fiqi, isaga oo alle uga baryay inuu ku asturo xilka loo magacaabay, una fududeeyo shaqada hortaallo.

Huruuse ayaa horay xilkan isaga casilay, wuxuuna kadib Garoowe uga qayb-galay doorashadii Puntland oo mar kale dib loogu doortay madaxweyne Saciid Deni.
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Horumar la taaban karo oo laga gaaray wadahadalkii Qaahira ee xabad joojinta Gaza
Next articleMowliid Maxamed Jaamac oo Lagu Fuliyay Dil Toogasha ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here