Home Wararka Caalamka Wararka ugu Danbeeyay Dalka Itoobiya oo Xaalad Deg Deg ah looga dhawaaqay

Wararka ugu Danbeeyay Dalka Itoobiya oo Xaalad Deg Deg ah looga dhawaaqay

0

Dalka Itoobiya, ayaa maanta wuxuu u noqonayaa maalintii koowaad, kadib markii lagu soo rogey xaalad deg deg ah, kaasoo socon doona muddo dhan lix bilood.

Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ku war geliyey iney hubkooda diiwaan galiyaan.

Waxey dhanka kale, ka dalbadeen iney u diyaar garoobaan sidii ay gacan uga siin lahaayeen booliiska iyo ciidanka qalabka difaaca magaalada.

Xoogagga la dagaalamaya dowladda, ayaa sheegay inuu yahay bartilmaameedkoodu magaalada Addis Ababa.

Madaxda caalamka ayaa ku booriyey dhinacyada kala duwan ee ku dagaalamaya Itoobiya xabad joojin deg deg ah, khilaafkana lagu soo afjaro wada hadal.

Ad
Previous articleGobolka Gedo oo looga Dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Kooxda Shabaab
Next articleCiidanka Ammaanka Gobolka Mudug Oo Gacanta Ku Dhigay Khamri Farabadan Iyo Dadkii Watay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here