Home Wararka Maanta Muxuu yahay muuqaalka lagu heysto Trump ee uu ka faafiyay Biden?

Muxuu yahay muuqaalka lagu heysto Trump ee uu ka faafiyay Biden?

0

Kooxda ololaha Biden ayaa Donald Trump ku cambaareeyay inuu baraha bulshada kusoo wadaagay muuqaal muujinaya gaari xamuul ah oo sida sawirka madaxweynaha Mareykanka oo lugihiisa iyo gacmihiisu isku xiran yihiin.

Kooxda ololaha Biden ayaa ku eedeeyay Mr Trump inuu “si joogto ah u kiciyo xasarad siyaasadeed” kahor doorashooyinka November.

Afhayeen u hadlay kooxda ololaha Trump ayaa dhankooda sheegay in Dimuqraaddiyiintu ay ku baaqayeen “rabshad baahsan” oo ka dhan ah Mr Trump.

Mr Trump ayaa Jimcihii muuqaalka soo dhigay bartiisa Truth Social.

Marka la eego cinwaanka muuqaalka, waxaa lagu duubay Jasiiradda Long, New York, Khamiistii markii madaxweynihii hore uu ka qeybgalayay baroordiiqa sarkaal ka tirsanaa Booliiska Magaalada New York oo la dilay xilli u uku jiray shaqadiisa taraafikada.

Muuqaalka ayaa muujinaya labo gaari xamuul oo waddada maraya, kuwaasoo labadoodaba uu ku dahaaran yahay calanka Mareykanka calamaduna ay ku xardhan tahay taageerada booliiska.

Gaariga labaad ee xamuulka ayaa waxaa lagu qoray erayada “Trump 2024”, waxaana sidoo kale saaran sawirka Mr Biden oo gacmihiisa iyo lugihiisu isku xiran yihiin.

Muuqaalka xayeysiinta Mr Trump ayaa waxaa cambaareeyay kooxda ololaha Biden.

“Trump wuxuu si joogto ah u kicinayaa xasarad siyaasadeed waana waqtigii ay dadku isaga dhab u qaadan lahaayeen – keliya weydii saraakiisha booliiska Capitol kuwaasoo la weeraray iyagoo difaacaya dimuqraaddiyaddeenna taariikhdu markii ay ahayd 6 January,” ayuu yiri afhayeen Michael Tyler, oo ula jeeday weerarkii Kongareeska ay weerareen taageerayaasha madaxweynihii hore kadib markii uu si been abuur ah u sheegtay in doorashadii 2020 laga xaday isaga.

Balse Steven Cheung, oo ah afhayeenka ololaha Trump, ayaa ku jawaabay: “Sawirkaas wuxuu ku dhegganaa dhabarka gaari xamuul ah oo marayay waddada weyn. Dimuqraaddiyiinta iyo kuwa waalan keliya kuma aysan baaqin rabshad ka dhan ah Madaxweyne Trump iyo qoyskiisa, waxay dhabtii hub ahaan ugu adeegsanayaan hannaanka caddaaladda.”

Trump oo xisbiga Jamhuurigu usoo magacaabay inuu u tartamo doorashada madxatinnimada ayaa wajahaya afar kiis oo dembi ah, iyadoo kiiska doorashada iyo tan wax is daba marinta lacagta ee New York ay yihiin kuwa ugu daran ee maxkamadda laga dhegeysan doonbo kahor doorashada dhici doonta 5 November.

Mr Trump ayaa iska fogeeyay dhammaan kiisaskaas, wuxuuna sheegay in loo beegsanayo siyaasad ahaan.

Muranka la xiriira sawirka waa doodihii ugu kululaa ee ugu dambeeyay ee ay is dhaafsadaan labada musharrax madaxweyne.

Damaciisa ah inuu ku laabto Aqalka Cad, ayaa Mr Trump wuxuu mar kale kordhiyay erayada uu adeegsado, isagoo dhowr jeer kuwii loo xukumay ka qeyb noqoshada weerarka US Capitol 6-dii January 2021 ku tilmaamay “la heystayaal”.

Waxaa sidoo kale lagu cambaareeyay faallooyinkii horraantii bishan uu ka dhiibtay Ohio isagoo digniinno diray haddii aan la dooran. Wuxuu hadalkan sheegay mar uu ka hadlayay gawaarida dibadda laga soo dhoofiyo iyo saameynta ay dhaqaalaha ku leeyihiin.

Kooxda ololaha Biden ayaa meesha ka saaray faallooyinkaas balse Mr Trump ayaa ku eedeeyay iyaga iyo warbaahintuba inay qadka ka bixinayaan

Ad
Previous articleOdawaa oo Si Cajiib ah ula Hadlay Farmaajo iyo Shiikh shariif
Next articleMalaayiinta doollar ee lagu bixiyo Amniga wiilka ra’iisul wasaaraha Israa’iil ee Maraykanka jooga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here