Home Wararka Maanta Dalka Uganda oo laga Furay Bankigii ugu Horeeyey oo islaami ah iyo...

Dalka Uganda oo laga Furay Bankigii ugu Horeeyey oo islaami ah iyo Soomaaliya oo Furatay

0

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray bankigii ugu horreeyay abid oo ribo la’aan ah oo dalkaasi laga furo.

Salaam Bank Limited, oo laga leeyahay dalka Jabuuti, waa kii ugu horreeyay ee adeeg banki oo Islaami ah ka bixinaya dalkaas.

Mr Museveni ayaa sheegay in bankigan uu gacan ka geysanayo horumarka dalka uuna soo jiidan doono maalgashadayaal Muslimiin ah.

Bishii September sanadkii hore, Salaam bank ayaa la siiyay shatigii ugu horreeyay kaddib markii baarlamaanka Uganda uu meel mariyay sharciga oggolaanaya adeegyada banki ee Islaamiga ah.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Markab Wali u afduuban Burcad Soomaalida
Next articleDad ku dhintay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here