Home Wararka Somaliya Jubbaland Magacaabista Wasiir Fartaag oo kasoo Jeeda Jubaland Ma Wuxuu ku yimid...

Magacaabista Wasiir Fartaag oo kasoo Jeeda Jubaland Ma Wuxuu ku yimid Rabitaanka Axmed Madoobe?Dalabkiisaa?

0

Magacaabista Cabdulaahi Sh Cismaaciil Farataag oonMaantay Noqday Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa La xaqiijiya inuusan  ku  imaan Rabitaanka Axmed Madoobe iyo Maamulka Jubaland.

dhinacyo kale duwan oo xarrir la sameynay ay ino xaqijiyeen in wax door ah Jubaland ku lahayn magacaabista Farataag.

Dhowr maalin ka hor Muqdisho safar aan la shaacin waxaa ku yimid Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland  Maxamuud Sayid Aadan oo wadday fariin ah in xilka Wasiirka Amniga lo magacaabo Cali Malaaq balse laga diiday.

Maxamuud Sayid ayaa Nairobi usii safray isago ka carooday natiijada uu kala kulmay Muqdisho.

Reysalwasaare Cabdi Barre ayaa sheegay culeysyo kaga yimid dhanka Madaxweyne Xasab Shiikh Maxamud booska Wasiirka in lasiyay Farataag oo ka mid wha muacaaadka Jubaland Axmed Madoobana kasoo Horjeeday Mudooyinkii Danbe.

Dadaalo saacdihii udanbeyay socday ayaa lagu go,aamiyay in Taliye Ku-xigeenka NISA lo magacaabo Cabdirashiid Cabdi Nuur oo horey Wasiirka Amniga JL usoo noqday.

Inkasto saacidihii udambeyay la baahinayay in Fartaaaguu ku yimid rabitaanka Axmed Madoob, balse waxaan xaqijinay inuusan dhankaasi ka imaan. Axmed ayaa safarkiis Sacuudiga markii ka soo laabto isku diyaarinayo qaban-qaabada doorashada JL.

Ad
Previous articleWax ka ogoow malaayiin doolar oo Soomaaliya la siiyay ka dib dayntii dhawaan laga cafiyay iyo Waxa lagu Qabanaayo
Next articleXasan Shiikh oo Sacuudiga ka Helay Balanqaad ku aadan Xiisada Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here