Home Wararka Maanta Galmudug oo amaro ka dhan ah Alshabaab kusoo rogtay Ganacsatada Galmudug

Galmudug oo amaro ka dhan ah Alshabaab kusoo rogtay Ganacsatada Galmudug

0

Dowladda Soomaaliya ayaa wada guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee heesata qeybo kamid ah degmooyinka iyo deegaannada Galmudug , waxa ayna dowladda dooneysaa in gabi ahaan kooxdaasi laga saaro gobolka.

War saxaafadeed kasoo baxay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Al Shabaab kula jirto labo dagaal oo kala ah mid dhaqaale iyo sidoo kale mid toos ah oo hub loo adeegsanayo.

Dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah Al Shabaab ayaa wasiirka sheegay in ay sii soconayo, waxa uuna intaa raaciyay in kooxda Al Shabaab lala galayo dagaal nuuc kasta ah si kooxdaasi meesha looga saaro jiritaankeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u qaaday tallaabooyin ka dhan ah kooxda Al Shabaab gaar ahaan dhinaca maaliyadda, waxa ayna dowladda xirtay akoono badan oo Al Shabaab lacagaha loo marsiin jiray, sidoo kale xayirtay lacag badan oo kooxda qaadan jirtay.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Halka uu Maraayo Qorshihii Ciidmada loogu Celin lahaa Magaalooyinkii ay kasoo baxeen
Next articleAlshabaab Qorshaynaayay inay Weeraraan Xarardheere oo la Wareeray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here