Home Wararka Maanta Faahfaahin Taliyihii Ururka 272-aad ee guutada Abuu-dujaana oo la Dilay

Faahfaahin Taliyihii Ururka 272-aad ee guutada Abuu-dujaana oo la Dilay

0

Alle ha u naxariisto Taliyihii Ururka 272-aad ee guutada Abuu-dujaana Mustaf Nuur Suudi ayaa lasoo Wariyey in uu ku geeriyoodey furimaha hore ee gobolka mudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dilkiisa ay ku lug leeyihiin xubno kamid ah askartii uu xukummayey, sarkaalkan ayaa kamid ahaa Ciidamada ilaalo qaran ee lagu soo tababarey dalka Eritrea.

Taliyihii Ururka 272-aad ee Guutada 27-aad Abuu Dujaana Mustaf Nuur Suudi ayaa u geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray Rasaas ay huwiyeen Ciidamo ka mida Guutada Abuu Dujaana oo Fakad ahaa.

Falkaan uu ku dhintay Taliye mustaf ayaa ka dhacay degaanka Laasacameey, Halkaas oo taliyaha iyo Ciidamo lasocday ay doonayeen inay celiyaa ciidamada Fakadka ahaa, balse ciidanka oo amar diiday kadibna rasaas ku furay Taliyihii iyo Ciidamada lasocday ayaa sababay falka dhimashada.

Taliye Mustaf oo ahaa sargaal dhalinyaro ah oo ku firfircoona shaqadiisa ayaa shaqo muuqata ka qabtay degaanada Koonfurta Mudug mudadii uu ka howlgalayay, balse caaway ayuu ku dhintay gacanta ciidamadii uu xukumayay.

Ad
Previous articleAlshabaab iyo Qaraxyo ay Diyaarinaayeen oo Gacanta Lagu Dhigay(Sawiro)
Next articleImaaraadka Oo lagy eedeeyey inuu Itoobiya Dabada kasoo Riixaayo si ay Bada Soomaaliya u Qaataan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here