Home Wararka Maanta Magaalada Dhuusomareeb Xaafado ka tirsan oo Howlgalo laga Seemay

Magaalada Dhuusomareeb Xaafado ka tirsan oo Howlgalo laga Seemay

0

Ciidamada Ammaanka gaar ahaan kuwa Booliska iyo Nabadsugida ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay dhanka Amniga waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay waddooyinka waaweyn ee Dhuusamareeb, kuwa soo gala iyo kuwa ka baxa, iyaga oo baaritaano ku sameeynayay Gaadiidka yaryar oo ay dadka Shacabka ah wataan.

Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii loo adkeyn lahaa Amniga Magaalada, halkaas oo la filayo in uu todobaadkaan tagaan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhawaan waxaa Magaalada Dhuusamareeb ku dagaalamay Ciidamada kala duwan ee Ammaanka iyo kuwo katirsan xoogaga Ahlusunna oo Magaalada weerar ku qaaday, waxaana xilligaas wixii ka dambeeyay siweyn loo adkeeyay Amniga waddooyinka soo gala Magaalada Dhuusamareeb.

Ad
Previous articleErdogan oo Fariin adag kuna saabsan Suuriya u diray dhigiisa Putin
Next articleMadaxweyne Deni iyo Axmed Karaash oo ka Heshiiyay Khilaafka ka dhex jiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here