Home Wararka Somaliya Galmudug Taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka iyo Saraakiil Maraykan ah oo Gaaray...

Taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka iyo Saraakiil Maraykan ah oo Gaaray Galmudug Si Alshabaab looga Saaro Ceelbuur

0

Taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay uga ambabaxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, tan iyo markii xilkan loo magacaabay bishii hore ee June, wuxuuna gaaray degaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Taliyaha oo ay wehlinayaan saraakiil Mareykanka ayaa booqday furimaha dagaalka, wuxuuna tegay aagga degmada Galcad halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa sidoo kale booqday saldhiyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku yaalla duleedka magaaladaasi oo kamid ah goobaha ay sanadaha badan heysteen kooxda Al-Shabaab, balse haatan laga fara maroojiyay.

Ugu horreyn taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ku sugan difaacyada hore ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ka faahfaahiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi.

Dhankiisa taliye Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay ujeedka safarkiisa, wuxuuna shaaciyay inuu salka ku hayo isbarasho iyo kala xog-qaadasho.

Sidoo kale waxa uu faray ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi inay isu diyaariyaan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la filayo inoo dhawaan billowdo, waxaana qorshuhu yahay in howlgalkaas lagu qabto degmada Ceelbuur oo ay heysato Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu ka war heyn doono ciidamada, isaga oo ballan-qaaday inuu dib ugu soo laaban doono mar kale, si uu dhageysto cabashadooda.

Safarkan ayaa hordhac u ah booqashooyin kala duwan oo uu gobollada dalka ku bixin doonto taliyaha cusub oo xilkan loo magacaabay 19-kii bishii hore ee June ee 2023-ka.

Ninkan ayaa beddalay General Odawaa Yuusuf Raage oo ah sarkaal sare oo dhalinyaro ah, sidoo kalena hormuud ahaa dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleDowladda federaalka Soomaaliya oo billowday dadaalo la xiriira sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya maamulka Puntland
Next articleMilkiilaha Shirkadda Twitter-ka Elon Musk oo soo saaray amaro cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here