Home Wararka Maanta Dowlada oo War Cusub kasoo Saartay Halka uu ku Danbeeyey Howlgaladii Kasocday...

Dowlada oo War Cusub kasoo Saartay Halka uu ku Danbeeyey Howlgaladii Kasocday Galmudug iyo Hirshabeele

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo hadda si dardar leh uga socda maamulada Galmudug iyo HirShabeelle.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in kooxda Al-Shabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay deegaanada labadaasi maamul.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay gacantooda ka baxeen xataa tuulooyinkii ay maamulayeen, taasi oo sare usii qaaday jabka kooxda, islamarkaana dhexdooda ka bilaabay in ay arrintaas iskaga horyimaadan, sida uu sheegay.

“Howl-galadii dalka ka socday gaar ahaan HirShabelle iyo Galmudug sidoodii ayay u socdaan, howl-galka u dambeeyay waxa uu ka socday Mudug, ciidanka guul fiican ayuu ka gaaray oo cadowga khasaare badan ayaa gaaray,” ayuu yiri.

“Tuulooyinkii, dhul daaqsimeedkii iyo deegaanadii ay maamulayeen ayaa gacantooda ka baxay, waxa dhaceysa in ninkasta (oo Shabaab ah) ku fikiro meeshii uu aadi lahaa ee uu ku badbaadi lahaa. Mardhow waxaa arki doontan amiiro waaweyn oo isa-soo dhiibay,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay sifeyn ka wadaan dhulka hawdka ah, isaga oo ugu baaqay hoggaanka howl-galada labadaasi maamul in ay sii laba jibaaran, si gebi ahaanba looga takhaluso kooxda.

“Dagaalada adduunka markay dhacaan ciidanka markuu laba jeer soo jabo marka saddexaad ma dagaalamo oo wuxuu isku dhiiba ciidanka eryanaya, wuxuu aaminaya inuu marwalba dhimanayo oo jabayo. Marka hadda marxaladaas saddexaad oo ahaa jab koowaad iyo labaad ayaa dhacay dhamaan deegaanada labadaas maamul goboleed.”

Dagaalka Al-Shabaab ayaa dardar xoogan ku socda, ayada oo ciidanka Danab ee xoogga dalka oo kaashanaya daraawiishta Galmudug ay shalay weerar ku qaadeen saldhigyo waaweyn oo laheyd kooxda, ayada oo Al-Shabaab loo geystay duqeymo xoog leh oo waxaa dagaalkaas ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka.

Kooxda ayaa lagu go’doomiyay koonfurta gobolka Mudug oo halkaas ay ugu dhimanayaan gaajo iyo sahay la’aan, ayada oo Jimcihii shalay ay ciidamadu ku bilaabeen dagaal aan laga jooji doonin ilaa inta laga soo afjarayo maalmaha soo socda.

Ad
Previous articleDagaal Culus oo Galay Maalinkii 7aad oo Kasocda Magaalada Laasacaanood
Next articleSomaliland oo Puntland ku eedeysay in ay ciidamo keentay aagga Tukaraq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here