Home Wararka Maanta Wiil Uu dhalay Madaxweyne Xasan Shiikh oo Cara Ka Abuuray Stanbul iyo...

Wiil Uu dhalay Madaxweyne Xasan Shiikh oo Cara Ka Abuuray Stanbul iyo Duqa Magaaladaas oo Wacad ku maray inuu soo Qaban Doono

0

Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyey inuu dilay muwaadin Turkish ah, oo uu gaari ku dhuftay.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.

Shilka ayaa dhaliyey in Yunus ay gaaraan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ugu dambeyn lix maalmood kadib ugu geeriyooday Isbitaalka İstanbul Teaching and Research Hospital.

Maxamed ayaa lasii daayey kadib markii booliska ay warbixin ka qoreen, taasi oo caro xooggan ka dhalisay Turkiga.

Duqa magaalada Istanbul ayaa hadda wacad ku maraya in kiiskan aanu ka hari doonin.

“Wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa baabuur ku dhuftay Yunus Emre Göcer oo mooto waday, taasi oo keentay inuu geeriyoodo, waxaana lasii daayey. Allah ha u naxariisto Göcer, waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay,” ayuu yiri duqa magaalada Istabul.

“Kama hari doono arrintan. Waxaan raaci doonaa nidaamka sharciga ah, waxaana soo taaban doonaa illaa dhammaadka aniga oo ka wakiil ah tobanaan kun oo ka mid ah shaqaalaha mootooyinka,” ayuu ku daray.

Ad
Previous articleDeni oo Dhagaha Ka Furaystay Talaabadii ay Shalay Qaadeen Golaha Wakiilada Punyland
Next articleFaahfaahin Wiil uu dhalay wasiir ka tirsan Dowlada Israel oo lagu dilay Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here