Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo isaga Baxay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Galmudug iyo...

Alshabaab oo isaga Baxay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Galmudug iyo Ciidamo Dowlada oo Kaabiga Ku Haaya

0

Ciidamo ka tirsan DF oo ka soo jeeda Beesha Duduble oo galabta ka ruqaansaday Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa Xalay gaaray halka loo yaqaano God Shilling oo kaabiga ku haya degaanka Xiindheere ee Gobolka Galgaduud.

Gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah iyo hub kale ayaa la soo sheegayaa iney wataan ciidamadan oo maalmahanba lagu abaabulayey magaalada Dhuusamareeb, qaarkoodna laga duuliyey Muqdisho.

Xoogaga Al-shabaab ayaa la sheegay iney iskaga baxeen degaanka Xiindheere oo muddo dheer ay ka talinayeen, ka dib markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan, iyagoo aaday degaanada kale ee Al-shabaab ka joogaan gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan kuwa horkacaya ciidamada dowlada ayaa sheegay iney Xiindheere ku waabariisan doonaan inkastoo ay jiraan warar sheegaya in Al-shabaab ay qaraxyo ku aaseen goobaha ay ciidamadu ka geli karaan degaankaas.

Wararka ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in ciidamadan ay Xiindheere uga sii talaabi doonaan degaanada Ceel Garas ilaa Ceel Qooxle.

Ad
Previous articleShir Magaalada Nairobi uga furmay Taliyeyaasha ciidamada Itoobiya iyo kuwa TPLF
Next articleMadaxweyne Xasan Oo Ka Qeyb Galay Furitaanka Shirka Cimilada Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here