Home Wararka Somaliya Dagaalka Boosaaso oo Saaka lagu Dilay Wadaad Caan ah iyo Dad isku...

Dagaalka Boosaaso oo Saaka lagu Dilay Wadaad Caan ah iyo Dad isku Qoys ah

0

Dagaalka maalintii labaad ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Gobolka Bari ayaa sababay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oon waxba galabsan.

Wararka aan ka heleyno Boosaaso ayaa sheegaya in dagaalka saakay mar kale ka qarxay magaaladaasi ku dhinteen dad shacab ah oo ku sugnaa xaafado katirsan magaaladaasi, dadkaasi ayaana haleeshay madaafiic iyo rasaasta la is dhaafsanayay.

Guri kuyaalla agagaarka Masaajidka Salmaan Alfaarisi ee Magaalada Boosaaso ayaa saakay waxaa ku dhacay madfac waxaana ku geeriyooday sadex ruux oo isku qoys ahaa oo isugu jiray Oday, Gabar iyo Wiil.

Waxaa sidoo kale madfacaasi ku dhacay xaafada katirsan magaalada Boosaaso ku geeriyooday Sheekh Xuseen Mukhtaar Afrax Suudaani oo ahaa wadaad caan ah oo Cashirka Tafsiirka ka akhrin jiray Masaajiidka Salmaan Alfaarisi.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada kawada tirsan Puntland ee kala taabacsan Deni iyo Diyaano ayaa sababay dhimasho dad badan oo shacab ah, waxaana laga cabbsi qabaa in dagaalka sii xoogeesto uuna dhaliyo khasaaro badan.

Ad
Previous articleDhageyso Shirka jaraa’id ee Wasiirka Amniga Puntland kaga hadlay Dagaalka Boosaaso
Next articleDegdeg Alshabaab oo Lawareegay Degaanka Cadakaibir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here