Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, oo Dalalka reer Galbeedka Hordhigay Dalab Cajiib...

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, oo Dalalka reer Galbeedka Hordhigay Dalab Cajiib ah oo lagu soo afjaraayo Dagaalka Ukrain ka Socda.

0

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in dalalka reer Galbeedka ay awoodaan inay gacan ka gaystaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka, taas oo ku iman karta buu yiri iyagoo cadaadis badan saara madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, dhanka kalana ay joojiyaan hubka ay ku baritaarayaan Kyiv.

Hadalkan ayuu Putin ku soo qaaday wadahadalkii ugu horreeyay ee dhanka taleefanka ah oo muddo ku dhaw bil uu la yeesho madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.

Bayaan lagu daabacay barta madaxtooyada Ruushka ayaa lagu sheegay in Putin uu xusay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay iska indhatiraan “dambiyada dagaal” ee uu aaminsanyahay in ciidammada Ukraine ay galeen, isagoo dhanka kale ku eedeeyay inay madaafiic ku bartilmaameedsadaan xaafadaha la deggan yahay ee gobolka Donbas.

Hasayeeshee waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray ciidammada Ukraine.

Dhankiisa Macron ayaa waxa uu ka dalbaday Putin in dagaalka uu joojiyo si dad badan oo rayid ah ay isaga baxaan warshadda Azovstal ee ku taal magaalada Mariupol ee waddanka Ukraine.

 

Ciidammada Ruushka ayaa duqeyn culus goobtaas la beegtay kaddib markii kooxdii ugu horraysay ee rayid ah halkaas isaga baxeen.

 

 

Ad
Previous articleMidowga Afrika oo War kulul Kasoo Saaray weerarkii ay Al Shabaab Cagta ku mariyeen Xerada ATMIS ee Ceel-baraf
Next articleMadaxweyne Galmudug oo shaaciyay Ujeedka uu ugu tagay Sheekh Aadan Madoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here