Home Wararka Maanta Tuugo dhac ka waday xaafado ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay...

Tuugo dhac ka waday xaafado ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay Xili amaanka Muqdisho soo Hagaagaayo(Sawirro)

0

Rag burcad ah oo dhac u geysanayey shacabka ayaa xalay lagu qabtay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidanka Boliska gobolka Banaadir oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in burcadan oo ka koobnaa labo nin ay ku hubeysnaayeen qoryo.

“Caawa 22/4/2023 abaaro  10:25pm waxay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Boliiska Saldhiga wadajir labo nin burcad ah kuwaasoo  ku howlanaa falal burcadnimo, iyagoo  ku hubeysnaa Qori Ak 47 iyo qori faal ah” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Labada nin ee burcada ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdiraxiin Aaran Cabduqadir oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka & Abshir Cali Nuur oo aan la sheegin inuu ciidan ahaa iyo in kale.

Burcada dhaca u geysata shacabka ayaa mudooyinkan ku soo badanayey xaafadaha magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaarkood ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanka dowlada.

Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo albaabada u xiray goobo loo tumasho tago oo ku yaalla Xeebta Liido (Sawirro)
Next articleDiblomaasiyiinta Mareykanka Oo Laga Daad Gureeyay Dalka Suudaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here